Xisbiga WADDANI hadduu naga joojin waayo Cayda iyo Aflagaaddada, seefaha ayaanu isu Afeysanaynaa” – Xisbiga UCID

gudoomiye ku xigeenka 2aad ee UCID cabdirashiid basbaasHargeysa (SLpost)- Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Xisbiga UCID Cabdirashiid Xasan Basbaas, ayaa sheegay in Xisbiga WADDANI caadaystay aflagaaddada iyo cayda Xisbigiisa, waxaanu ugu baaqay inay joojiyaan aflagaaddadaas oo uu tilmaamay mid aan loo dul-qaadan karin.

Guddoomiye Cabdirashiid Xasan waxa uu sheegay inaanay Xisbi ahaan u adkaysan karin eedaha uga yimaadda Xisbiga WADDANI, sidaas awgeedna hadday joojiyaan waayaan ay xisbi ahaan qaadan doonaan tallaabo kasta oo ay kaga jawaabayaan waxa uu ku tilmaamay Cayda iyo Aflagaaddada xisbiga WADDANI uga yimaad.

MR Cabdirashiid oo maanta warbaahinta la hadlay, waxa kale oo uu faahfaahin ka bixiyey dedaallo ka dhex socda Golaha Guurtida oo xal loogu raadinayo khilaafka qabsoomidda doorashooyinka ee ay isku maan-dhaafsan yihiin Xisbiyada siyaasada Somaliland. 

Xisbiyada UCID iyo KULMIYE ayaa hore ugu heshiiyey in doorashooyinku ka qabsoomaan dalka dhammaadka sannadkan iyadoo markii hore loo qoodeeyey horaanta sannadka 2019-ka, balse waxa go’aankaas ka biyo-diiday Xisbiga mucaaradka ee WADDANI oo muddooyinkii u dambeeyey bannaanka ka joogay kulamo arrimaha doorashooyinka lagaga hadlayey oo u socday Axsaabta qaranka, kuwaas oo ay ku kaliyeysteen xisbiyada UCID iyo KULMIYE.

MUUQAALKAN HOOSE KA DAAWO HADALKA SIYAASI CABDIRASHIID XASAN