Xisbiga UCID oo Xukuumadda Kulmiye ku Dhaliilay Waayo-aragnimo iyo tayo-la’aan Haysta Golaha Wasiirrada

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ee UCID, ayaa Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku dhaliilay inay ku baraarugto dhawaaqa Dawladda Ingiriisku kaga digtay xaalad amni-darro oo Somaliland ku soo fool-leh.

Xisbiga UCID waxa uu sheegay inay jiraan dib-u-dhacyo ku yimi siyaasadaha Arrimaha Gudaha iyo debedda ee Somaliland muddadii xisbiga Kulmiye talada dalka hayey, iyaga oo taas ku sababeeyey waayo-aragnimo la’aan haysa golaha Wasiirrada ee Xukuumadda.

UCID_MingisteSidaa Waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Xog-hayaha Arrimaha Gudaha iyo Xidhiidhka Gobollada ee Xisbiga UCID Cabdi Maxmed Saleiman (Mingiste), kaas oo u dhignaa sidan : “Waa wax laga naxo,laga xishoodo,lala yaabo  in maanta Wasarada arimaha dibada ee Somaliland ay bogga Internet-ka ee Xafiiska arimaha dibada ee UK ay ka ogaato in dalkeeda laga saarayo dadkii ka shaqaynayey

Waa cadaan  intii Xukuumada Kulmiye ay hogaanka wadanka haysay in Siyaasada arimaha dibada iyo Siyaasada  arimaha gudaha ee Somaliland ay ku timid dib u dhac iyo jaha wareeg aan hore inoo soo marin intii ay Somalilnd jirtay.Dib u dhaca iyo fashilka Siyaasada dibada iyo gadaha ku yimid waxaa sabab u ah arimahan hoos ku qoran :-

1. Waa cadaan in  guud ahaan Golaha Wasiirada ee maanta jiraa, uu yahay Golahii ugu khibrada iyo aqoonta yaraa ee soo mara Somaliland intii ay jiraty.

2. Golaha Wasiirada ee maanta jira,laguma soo xulin,aqoon iyo waayo aragnimo Siyaasadeed,balse waxaa lagu soo xulaa hab fool xun oo aan dalka iyo dadka midna dani ugu jirin, horena aan inoo soo marin.

3. Somaliland ma laha Wasarada Arimaha Dibada,balse waxaa nin Wasiir ah,oo haba yaraatee aan wax waayo aragnimo ah u lahayn Siyaasada Arimaha Dibada,inta badana ku mashquulsan dano isaga u gaar ah iyo shirar hoosaadyo Somaliland wax weyn u dhimaya.

4. Maalintii ugu horeysay ee Xisbiga Kulmiye la wareegay talada dalka waxaa isla markiiba  shaqada laga eryey, Wasiirkii  arimaha gudaha,Taliyihii Sirdoonka ,Taliyihii Ciidaanka Police-ka,Taliyihii Ciidanka Ilaalada Xeebaha iyo Taliyihii Ciidanka Asluubta. Erigaa dhmaan Taliyaashii Ciidamada wuxuu keenay in gebi ahaanba uu  burburo isku xidhkii amaanka ee Somaliland (Security network).

5. Wasiirkii iyo Taliyayaashii Ciidamada ee la eryey waxaa lagu soo bedelay shaqsiyaad ,aan haba yaraatee aqoon iyo waayo aragnimo midna u lahay shaqada ay hayaan,kuwaas oo dhamantood ah dad si aan sax ahayn xilkaa culus loogu dhiibay.

Arimahaa aan kor ku soo sheegay iyo qaar kale oo badan,oo aanu uga xishoonay danta qarannimo,ayaa keenay in maanta la yidhaahdo Somaliland amaan ma aha, hana laga soo daadgureeyo Shaqaalaha Shisheeyaha ah.

Ugu dambayn waxaanu shacabka reer Somaliland ugu baaqaynaa in aanay ku halaynin Xukuumada maanta jirta nabadgelyada wadanka,balse ay dhexda u xidhaan sidii ay u ilaalin lahaayeen nabadii Somaliland ku soo nabad iyo caano maashay,cid walibana ku aamaani jirtay.”

Somalilandpost.net/Hargeysa