Xisbiga UCID oo Xilka Ka Qaaday Siyaasi Ramaax iyo Masuul kale oo Taageeray Qorshe Madaxweyne Biixi kaga dhawaajiyey

 

Hargeysa (SLpost)- Guddiga fulinta ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa fadhi ay maanta isugu yimaaddeen waxa ay xilka kaga qaadeen Xoghayaha Arrimaha gudaha ee Xisbigaasi, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), halka shaqada ka joojiyeen Xoghayaha Golaha Dhexe ee Xisbigaasi Maxamuud Cali Muuse (Jiir).

Fadhiga ay Saaka yeesheen Guddiga fulinta ee Xisbiga UCID oo uu Shir-Guddoominayey Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa go’aammada ka soo baxay waxa lagu faahfaahiyey War-saxaafadeed ka soo baxay Xisbiga UCID.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Xarunta Dhexe ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa u qornaa sidan:-

In kasta oo aan la ogeyn sababta dhabta ah ee loo caydhiyey Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee UCID iyo Shaqo-ka-joojinta lagu sameeyey siyaasi Jiir, haddana waxa ay labadooduba taageereen Qorshe uu Madaxweyne Biixi ku shaaciyey dhawaan furitaanka ururrada siyaasadda iyo Asxaabta Qaranka, kaas oo aanay marnaba ogoleyn Xisbiyada Mucaaradka Somaliland.

Somalilandpost.net