Xisbiga UCID Oo Soo Dhaweeyey Soo-jeedinta Guddi Ganacsato oo Ka Hawl-galay Xalka Khilaafka Doorashooyinka Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID, ayaa soo dhaweeyay talooyin ay soo jeediyeen guddida ganacsatada ah ee isku xilqaantay xal u helista khilaafka doorashooyinka Somaliland.

Guddoomiyaha xisbiga Faysal Cali Waraabe oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa bulshada noocyadeeda kala duwan ugu baaqay in ay taageeraan talada ay soo jeediyeen guddida ganacsatu ee ah oo ku baaqay in mar la wada qabto doorashooyinka Madaxtooyada iyo ururrada siyaasadda ee Somaliland”.

“Waxaanu u soo jeedinaynaa bulshada Somaliland in la taageero go’aankaa ama soojeedintaa ay soojeediyeen xubnahaasi” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe oo ugu baaqay golayaasha sharci dajinta in ay meel mariyaan soojeedinta guddida.

“Baarlamaanka waxaan leeyahay hadday taasi maanta inaga katibto, xildhibaano ahaan maysaan, mid kastaaba tuuladiisa ayuu ku noqon doonaa, dadka gaajoonaya ee cashuurtooda mushahar la idinka siinayo uma fadhiyaysaan” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe, waxaanu intaa ku daray, “Madaxweynaha waxaan leeyahay guul taasaa kugu danbaysee, jaaniiska ka faa’iidayso oo guruub kaaga (Xildhibaannada Golaha Wakiillada) amar ku sii in ay bahalkaa sii daayaan”, ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net