Xisbiga UCID oo si Adag uga Jawaabay dhaliisha Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumaddiisu u Jeediyeen Guddoomiyaha UCID

UCID_MingisteHargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dhaliisha iyo cambaareynta Xisbiga talada haya ee Kulmiye iyo Xukuumaddiisa u jeediyeen Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID.

Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Xoghayaha Arimaha Gudaha iyo Xidhiidhka Gobolada ee Xisbiga UCID Abdi M.Saleiman (Mingiste), ayaa si adag loogu difaacay kulanka Guddoomiyaha Xisbiga UCID la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana lagu soo bandhigay war-saxaafadeedkan dhaliilo xukuumadda loo jeediyey.

Warsaxaafadeedkaas, ayaa u dhignaa sidan : « Waxaa mudan in marka hore aanu halkan salaan  uga soo gudbino Shacabka qaaliga ah ee reer Somaliland ,meelkastoo ay joogaan dibada iyo gudahaba.Salaan ka dib waxaanu la socodsiinaynaa Shacabka reer Somaliland iyo dhamaan inta kale ee danaysa horumarka iyo wanaaga Somaliland  arimahan hoos ku qoran :-

XIsbigaUCID :-

  1. Salaantu waxay ka dhaxaysaa guud ahaanba ummadaha ku nool dunida guudkeeda,midab kast oo ay leeyihiin iyo Diin kasta oo ay  aamin sanyihiinba,wax kasta oo aad isu qabtaan  salaantu waa waajib.Madaxda Somaliland iyo Soomaaliyana ma aha markii ugu hioreysay ee ay is gacan qaadan,Jabuuti,Uk,Dubia iyo Turkey  intaba  hore ayey isu soo gacan qaadeen uguna soo wada qadeeyeen Madaxweynaha,Wasiiro,iyo Gudoomiyayaasha  3 Xisbi Qaran ee Somaliland,salaanta  Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal iyo Madaxda Soomaaliyana kama duwaneyn kuwaas hore u soo dhacay.
  2. Xisbiga UCID,sida ku cad magaca Xisbiga, mabaadida iyo dhamaan Xeerarka Xisbiga ,wuxuu u taagan yahay ilaalinta,midnimada  iyo ka midho dhalinta sidii  Somaliland ay u heli lahyd   aqoonsi buuxa iyo ka mid noqoshada  bulshada caaalamka. Xisbiga UCID ma aha mid lagu xanto,looga baqo,laguna tuhmo wax ka soo horjeeda aqoonsiga iyo madaxbanaanida Somaliland.
  3. Shacabka reer Somaliland  way yaqaanaan,Gudoomiyaha Xisbiga UCID,Md.Eng. Faysal Cali Waraabe,in uu  yahay shaqsi ku caan ah had iyo jeerna u taagan difaacida  midnimada iyo   Qarannimada Somaliland.Shacabka reer Somaliland waxay  markhaati cad ka yihiin in Eng.Faysal Cali Waraabe aanu weligii dembi ka gelin Qarannimada Somaliland.
  4. Is araga  ku dhexmaray Gudoomiyaha Xisbiga UCID  Eng.Faysal Cali Waraabe iyo Madaxweynaha  iyo Raiisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya magaalada  Birmingham  11/05/13, ee saxaafada ,  Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadiisu aad u buunbuuniyeen ,wuxuu ahaa :- Salaan dhex martay masuuliyiinta laba dhinac,mana  ahayn Shir iyo kulan qorshaysnaa midna,salaantuna waa waajib.

Hadalka  Xog Guud ee Xisbiga Kulmiye :-

Runtii waxaa wax lala yaabo ah,cambaareynta meel ka dhaca ah ee ka soo yeedhay Xog Guud ee Xisbiga Kulmiye  ——-.haddaba Xog.Guud ee Xisbiga kulmiye inta uu cambaareynayo salaan laba masuul dhex martay,waxaa ku habooneyn in uu cambaareeyo arimahan hoos ku qoran oo uu dhamaantoo goob joog ka ahaa Xilka Xisbiga Kulmiye –na uu hayey markay dhacayeen :-

  • Xog Guud ee Xisbiga Kulmiye,miyaanu ogeyn,in goobta ay isku salaameen Gudoomiyaha Xisbiga UCID  Eng. Faysal  iyo madaxda Soomaaliya in ay  fadhiyeen masuuliyiin Xil ka haya Xisbiga Kulmiye iyoXubno kale oo ka  tirsan guddida fulinta ee Xisbiga uu Xog .guud ka yahay ee Kulmiye,mise Xisbiga Kulmiye ayaan isu war haynin.
  • Waxaa  habooneyd in aad cambaareyso dilkii iyo dhaawacii ka dhacay Xaafada Axmed Dhax,Saylac iyo Xaafada 26 Juun.
  • Waxaa habooneyd in aad cambaareyso xadhiga,weerarada iyo  cabudhinta maalinkasta loo geysto Saxaafada madaxa banaan.
  • Waxaa habooneyd in aad cambaarayso dilka dhaawaca  maalin kasta loo geysto dadka Shacabka ah ee aan waxba galabsan  ee uu ugu dambeeyey kan  maanta oo 13.05.13 Burco ka dhacay.

  • Waxaa haboomayd in aad cambaareyso,  musaqa,cadaalad darada iyo eexda maalin walba taagaan ee ay ku kacaan Xisbigaaga iyo Xukuumadiisu.
  • Ugu dambayntii waxaanu u sheegayaa Xog Guud ee Xisbiga Kulmiye Md. Xasan,in ay hayd in aanu waqti badan ku lumin salaan laba masuul dhex martay,ee uu hoos u eego arimo fara badan oo fool xun oo ka dhacay maanta Somaliland,Xisbigiisa iyo Xukuumadiisuna masuul ka yihiin

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Md Abiib Timocad

Waxaa sidoo kale wax laga xishoodo ah hadalka ka soo yeedhay Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliland Md Abiib,Wasiirka waxaanu leenahay :-

  • Gudoomiyaha Xisbiga UCID Md.Faysal Cali Waraabe,guud ahaan Madaxda Xisbiga iyo taageerayaasha Xisbiga midna loogama shakisana in ay  khiyaameeyaan Qaranka Somaliland,balse cida keliya ee laga shakisan yahay Waa Xukuumada aad Wasiirka u tahay.
  • Miyanad ogeyn in Wasiirka Arimaha Dibada ee Somaliland uu  hambalyo u diray Shirkii London ka dhacay ee hore ay u qaadacday  Xukuumada aad ka tirsan tahay.
  • Miyaanad ogeyn in ay fadhiisatay Radio Hargeysa oo aad adigu Wasiir ka tahay,TV Qarankuna qarka u saaran yahay in uu fadhiisto,maxaad wax uga qaban wayday.
  • Miyaanad ogeyn  in Wasaarada aad Wasiirka ka tahay ay ka mid tahay Wasaaradaha ugu musuq maasuqa badan Somaliland maanta.
  • Ugu dambayntii miyaanad ogeyn in aad tahay masuulkii ku xidhnaan jiray Saldhiga Hargeysa,miyaad ilowday dembiyadii lagu haystay in ay weli taagan yihiin,inta aad salaan laba masuul ka hadlayso.

Masuulinta Xisbiga UCID  ee Gobolada Somaliland ;-

Dhamaan masuuliyiinta  Xisbiga UCID ee Gobolada Somaliland,gaar ahaan Gobolada Saaxil iyo Maroodi Jeex waxaa lagu wargelinayaa in ay u diyaar garoobaan Soodhoweynta Gudoomiyaha Xisbiga UCID Md,Faysal Cali Waraabe,iyadoo si dhaqso ah la idiinla soo socodsiin doono maalinta iyo saacada uu ku soo beegan yahay Somaliland.

ALLAA                   MAHAD                 LEH

 Abdi M.Saleiman(Mingiste)

Xoghayaha.Arimaha Gudaha iyo Xidhiidhka Gobolada.

Xisbiga UCID

abdi_saleiman@hotmail.com.

Facebook : abdi saleiman.

SKype : Abdisaaleiman1

twitter : @_saleiman