Xisbiga UCID oo Qoraal Raaligalin iyo Laab qaboojin ah ka soo Saaray Khilaafkii Hogaankooda

Hargeysa(SLpost)-War qoraal ah oo ka soo baxay xisbiga UCID ayaa sheegaya in aan imika wax khilaaf ahi ka dhex jirin hoggaanka xisbiga, islamarkaana guddoomiyaha iyo musharaxu ay ka heshiiyeen xurguftii yarayd ee isku jawaabista ahayd imikana ay yihiin rag u rafiiq ah sidoodii hore.

Warka qoraalka ah oo nuqul ka mid ahi Somalilandpost soo gaadhay ayaa u dhignaa sidan:

 

“Xisbiga Cadaalada iyo daryeelka UCID waxaa uu ka raali galinayaa guud ahaan Shacbiga JSL,gaar ahaana Taageerayaasha xisbiga UCID,Hadalo ay War-baahinta isu mariyeen qaar ka mid ah masuuliyiinta ugu saraysa Xisbiga UCID,hadaladaas oo niyad jab ku keenay taageerayaasha xisbiga,Qaarka mid ah warbaahintuna ay Buun-buuniyeen,warbaahintaas oo u rogtey in khilaafkii ugu weynaa ka dhex-qarxay xisbiga UCID Hadaba Xisbiga UCID waxaa uu bulsho-weynta JSL iyo Taageerayaasha Xisbigaba u Cadaynayaa in aan Wax khilaaf ahi habayaraatee oo ka dhex jira Xisbiga aanu jirin.

Gudomiyaha Xisbiga iyo Musharaxa Xisbiguna wixii yaraa ee dhexdooda ahaa Way dhamaysteen, imikana Waa UL iyo Diirkeed Xisbiga UCIDna waxaa kale oo uu si balaadhan u soo dhawaynayaa taageerayaasha iyo aqoon-yahanka ku soo biiraya xisbiga UCID Xisbiga UCID waa xisbi Sal-balaadhan oo lawada leeyahay,khilaafkiisana wuu dhamaystaa iyada oo aan cidina dhex-galin, wakhti koobana wuu ku dhamaystaa”.

Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID

Md: Yusuf Kayse Cabdi-lahi

_______ Alla Mahad leh