Xisbiga UCID oo muddo 10 Maalmood ah u qabtay Qabashada Codsiyada Murashaxiinta

 

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa shaaciyey wakhtiga kama dambeysta ah ee qabashada Codsiyada Murrashaxiinta uga tartami doona Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada.

Ku-xigeenka Xoghayaha guud ee Xisbiga Cabdinaasir Yuusuf Cismaan oo maanta warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in 25 bishan Feberaury ay xidhmayso qabashada codsiyada Murashaxiinta hanka leh ee doonaya in ay ka qayb-qaataan Doorashada Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada.

Advertisement

Cabdinaasir Yuusuf Qodax waxa uu sheegay in murashaxiintu muddo 10 maalmood ah u haystaan inay ku soo dhammaystiraan shuruudaha looga baahan yahay, wixii muddadaas ka dambeeyana uu xisbigu gudo-geli doono soo saarida Liiska kama dambeysta ah iyo gudbinta Murrashaxiinta.

Xoghayaha Xisbiga UCID waxa uu guddoomiyeyaasha gobolada ee xisbiga ku war-geliyey in ay dedejiyaan soo gudbinta murrashaxiinta gobolada iyo degmooyinka iska-sharaxayaa, isagoo dhinaca kalena Murrashaxiinta hanka leh ku booriyey in ay ka faa’idaystaan wakhtiga kooban ee ay haystaan.

Cabdinaasir Yuusuf Cismaan waxa uu tilmaamay in xisbiga UCID doonayo in uu soo xullo oo ay Doorashada uga qayb-galaan Murrashaxiin aqoon, Karti iy o tayo leh oo noqon kara adeegayaal bulsho oo wax qabad leh.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On