Xisbiga UCID oo magacaabay Xubinta u metalaysa Guddiga Doorashooyinka oo madaxweynaha loo gudbiyey

 

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa magacaabay xubinta u metelaysa Guddiga Doorashooyinka Qaranka, kaddib markii uu dhawaan is-casilay xubintii uu xisbigu hore ugu xulay guddigaas inuu u metelo.

Qoraal uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo maanta soo baxday, waxa uu guddoomiyuhu xubinta xisbiga ee Komishanka u magacaabay Cabdifataax Ibraahim Xasan oo hore uga tirsanaan jiray Komishanka Doorashooyinka.

Dhawaan ayay ahayd markii uu is-casilay xubintii xisbiga UCID u soo xulay Guddiga cusub ee Doorashooyinka xilli uu jiray khilaaf ku saabsan doorashooyinka oo u dhexeeyay Axsaabta siyaasadda iyo Xukuumadda balse markii dambe la xalliyey.

Warqadda uu Guddoomiye Faysal Ku magacaabay masuulkan cusub, ayaa u qornayd sida hoos ka muuqata