Xisbiga UCID oo ka hadlay Xadhig Maanta lagula Kacay Afar Suxufi oo bannaan-bax Nabdoon Dareenkooda ku soo Bandhigay

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, ayaa cambaareeyey Xadhig ay Ciidammada Ammaanka magaalada Hargeysa maanta kula kaceen afar Weriye oo ka tirsanaa Suxufiyiin ka kala socday Hay’adaha Warbaahinta madaxa-bannaan iyo Ururka Suxufiyiinta ee SOLJA oo sameeyey bannaan-bax si nabadgelyo ah ay u soo abaabuleen oo ay kaga cabanayeen caddaalad-darro Wargeyska Hubaal lagula kacay.

War-Saxaafadeed caawa ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta Xisbiga UCID ee magaalada Hargeysa, ayaa lagu sheegay in Xisbigu cambaaraynayo tallaabadaas, isla markaana uu u arko cabbudhin iyo kali-telisnimo. Waxaanu qoraalka Warkaasi u dhignaa sidan:-

Weriyeyaal-la-xidhay“Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka UCID waxaa maanta oo ay taariikhdu tahey 03/12/2013 uu war- Saxaafadeed uu si kulul ugu Canbaareynayaa Xadhigga Xaq-darrada ah ee loo geestey Weriyayaal si salmiya u muujinayay cabasho ay ka qabaan Nin horraantii sannadkan soo weeraray Wargeyska Hubaal oo Xuukumaddu Xabsiga ka sii daysay iyada oo aan caddaaladda la marin, isla markaana aan dhibbanayaashii Wargeyska Hubaal waxba laga ogeysiin.

Weriyeyaashan oo tiaradodu tahay 4 Weriye oo ka hawlgala Warbaahinta madaxa-bannaan ee Caasimadda Hargeysa. Haddaba, Xisbiga UCID, waxa uu qabaa in xadhigga Weriyeyaashani uu yahay mid lagu sadqaynayo Xorriyatul-qawlka Qarankani 22-ka sannadod ku soo caano-maalay, isla markaana lagu waxyeellaynayo.

Xisbiga UCID waxa uu cod dheer ku cambaaraynayaa Xadhigga xaq-darrada ah, isla markaana arxan-darrada ah ee lagu gawracay xorriyatul-qawlka Saxaafadda madaxa-bannaan ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Xisbiga UCID waxa uu Xukuumadda ku waaninayaa inay iska dayso dhaqan cusub oo maalmahan u dambeeyey miciin u nqday, dhaqankaas cusub oo ay ka mid yihiin cabbudhinta, cago-juglaynta, handidaadda, hanjabaadda iyo xadhigga ay ku hayso Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Saxaafadda maaxa-bannaan.

Ugu danbeyntii waxaannu Xukuumadda ugu baaqeynaa iney si deg-deg ah Xorriyaddooda ugu so celiso Weriyeyaasha xaq-darrada lagu xidhay, isla markaana ay raalli-gelin ka bixiso, soona xidho Ninka ay sharci-darrada ku sii deysay ee Wargeyska Hubaal weerarka ku qaaday.”

SOMALILANDPOST.NET