Xisbiga UCID oo Guddoomiye Cusub u Magacaabay Gobolka Togdheer

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa guddoomiye cusub u magacaabay Gobolka Togdheer ka dib markii Guddoomiyihii hore ee xisbiga u qaabilsanaa gobolkaasi uu sababo shakhsi uga cudur-daartay inuu xilkaas qabto.

Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Xoghayaha Guud ee Xisbiga UCID Axmed Aadan Ismaaciil (Keyse), ayaa lagu sheegay in Baashe Shaakir Cabdilaahi yahay guddoomiyaha Xisbiga ee Gobolka Togdheer.

Warsaxaafadeedkaas ayaa u dhignaa sidan:

“Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID, kadib markii uu la tashi la sameeyay Guddida Fulinta ee Gobolka Togdheer iyo Gudoomiyaha Xisbiga, waxa uu u magacaabay maanta oo ay Taariikhdu tahay 10/11/2012 in uu noqdo Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Togdheer Mudane Baashe Shaakir Cabdillaahi, kadib markii uu cudur daartay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Togdheer hawlo shakhsiya awgeed.

Sidaa awgeed dhamaan waxa lala socodsiinayaa Garabada Dhalinyarada, Haweenka, Heer Qaran, Heer Gobol iyo Degmo-ba in ay u fududeeyaan hawlihiisa shaqo, si uu Xil-gudashadiisa maamul u hanto.”

 

SOMALILANDPOST.NET

contact[at]somalilandpost.net