Xisbiga UCID oo dhaliilay siyaasadda Xukuumadda ee Xakamaynta Sicir-barar Saameeyey Nolosha Bulshada

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi ku eedeeyey inay ku guul-darraysatay wax-ka-qabashada iyo xakamaynta Sicir-barar baahsan oo ka jira dalka.

Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Xisbiga UCID Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax oo maanta war-fidiyeennada kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu dhaliilay siyaasadda xukuumadda ee ku wejahan wax-ka-qabashada Sicirka bararka maceeshadda oo saamayn ku yeelatay nolosha shacabka.