Xisbiga Kulmiye oo soo Dhaweeyey 16 murrashax oo Ka Hadhsanaa Afarta Degmo-doorasho ee gobolka Awdal

 

Borama (SLpost)-Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye, ayaa maanta soo dhaweeyey 16 Murashax oo gobolka Awdal iyo degmooyinka ku yaalla uga tartami doona Doorashada Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada ee Somaliland.

Munaasibadda lagu soo dhaweeyey murashaxiinta oo ku qabsoontay magaalada Boorama waxa goob-joog ka ahaa Xubno sarsare oo ka mid ah hoggaanka xisbiga KUMIYE oo ay ka mid yihiin xoghayaha guud ee xisbiga Ibraahim Axmed Raabi, Afhayeenka xisbiga KULMIYE Mudane Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, ku-xigeenka xoghayaha guud ee KUMIYE, Cali Maxamed Cali, guddoomiyaha gobolka Awdal ee KULMIYE Cabdiqaadir Daahir Ojor iyo saraakiil kale.

Advertisement

16-ka murrashax ayaa tartanka goleyaasha deegaanka xisbiga ku meteli doona Afarta degmo ee gobolka Awdal ka kooban yahay oo kala ah Boorama, Lughaya, Baki iyo Saylac.

Munaasibadda shaacinta murrashaxiintan ay saaka soo dhaweeyeen hoggaanka KUMIYE, ayaa waxa ka qaybgalay badiba waayeelka, waxgaradka, aqoonyahanka, madax-dhaqameedka, dhallinyarada iyo haweenka kasoo jeeda gobobolka Awdal, waxana munaasibadda laga jeediyey hadallo lagu soo dhaweynayo murrashaxiintan, taageerayaashoodana loogu baaqayo inay codka la garab joogsadaan maalinta codaynta.

Murrashaxiinta 16-ka ah ee maanta la qaabilay, ayaa ahaa dufcaddii u dambaysay ee xubnaha murrashaxiinta ah ee xisbiga ku meteli doona Afarta degmo ee uu gobolka Awdal ka kooban yahay, waxana uu xisbigu hore u qaabilay xubno hore oo degmooyinkaas kasoo jeeda.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On