Xisbiga Kulmiye Oo soo Bandhigay Sababtii Xisbiga Waddani Uga Baaqsaday Shir Muhiim Ah oo xalay Madaxtooyada ku qabsoomay

𝘚𝘰𝘮𝘢𝘭𝘪𝘥𝘶 𝘸𝘢𝘹𝘢 𝘢𝘺 𝘵𝘪𝘥𝘩𝘢𝘢𝘩𝘥𝘢𝘢, “𝙛𝙖𝙡 𝙖𝙖𝙣 𝙡𝙖𝙖𝙗𝙩𝙖 𝙡𝙖𝙜𝙪 𝙝𝙖𝙮𝙣 𝙞𝙮𝙤 𝙛𝙖𝙧𝙪𝙝𝙪 𝙬𝙖𝙮 𝙞𝙨 𝙙𝙞𝙞𝙙𝙖𝙖𝙣”

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye, ayaa been-abuur iyo dafiraad ku tilmaamay hadal Hoggaanka Xisbiga Waddani ku dedafeeyey marti-qaad loogu fidiyey ka soo qayb-galka Shir xalay ku qabsoomay madaxtooyada oo 3-da xisbi u ballansanaayeen balse xisbiga Waddani ka maqnaa.
Shir wada-tashi oo xalay ku qabsoomay madaxtooyada oo ay goob-joog ka ahaayeen madaxda xisbiyada Kulmiye iyo UCID, ayaa lagaga hadlay sidii axsaabtu qaranku mowqf isku mid ah uga qaadan lahaayeen dhaqan-galka heshiiska is-afgarad ee Ethiopia, hasyeeshee waxa shirka ka maqnaa xisbiga Waddani. Xoghayaha Guud ee Xisbigaas oo qoraal uu ku baahiyey baraha Bulshada ku sababeeyey ka-maqnaashiyaha shirka ayaa Sheegay inaanay xisbi ahaan ka war-qabin qabsoomidda shirka isla markaana aan lagu soo marti-qaadin.
Haddaba, xisbiga Kulmiye oo goor-dhawayd soo saaray qoraal uu kaga jawaabayo hadalka Xoghayaha Guud ee Waddani, ayaa been-abuur ku tilmaamay hadalka ka soo yeedhay madaxda Waddani.
War-murtiyeed caawa ka soo baxay xarunta Dhexe ee xisbiga Kulmiye, kuna saxeexan yahay Xoghayaha Guud ee Xisbigaas Faysal Cabdiraxmaan Madar, ayaa lagu yidhi, “Xisbiga Wadani ceebtiisa maaha ee waa caadadii beenta inuu ka muquurto fagaarayaasha lagaga arinsanayo qadiyadaha masiiriga ah ee difaaca, qaranimada iyo horumarka dalku ka koow yihiin.
Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI Mr. Khadar Xuseen Cabdi oo qoraal ku baahiyey baraha bulshada, ayaa ku dooday in aannu jirin martiqaad xisbigooda la gaadhsiiyey oo ku saabsan kulankii ay ka maqnaadeen ee Axaddii shalay (22/09/2024) labada xisbi ee UCID iyo KULMIYE la yeesheen Madaxweynaha Qaranka, Mudane Muuse Biixi Cabdi.
Xoghaye Khadar Xuseen waxa uu qoraalkiisa ku yidhi, “𝙃𝙖𝙗𝙖 𝙮𝙖𝙧𝙖𝙖𝙩𝙤 𝙚𝙚 𝙢𝙖 𝙟𝙞𝙧𝙤 𝙬𝙖𝙭 𝙢𝙖𝙧𝙩𝙞𝙦𝙖𝙖𝙙 𝙠𝙪𝙡𝙖𝙣 𝙖𝙝 𝙤𝙤 𝙖𝙖𝙣𝙪 𝙠𝙖 𝙝𝙚𝙡𝙣𝙖𝙮 𝙈𝙖𝙙𝙖𝙭𝙬𝙚𝙮𝙣𝙖𝙝𝙖 𝙞𝙮𝙤 𝙭𝙞𝙩𝙖𝙖 𝙠𝙪𝙡𝙖𝙣 𝙖𝙖𝙣𝙣𝙪 𝙠𝙖 𝙬𝙖𝙧𝙦𝙖𝙗𝙣𝙖𝙮 𝙞𝙣𝙪𝙪 𝙦𝙖𝙗𝙨𝙤𝙤𝙢𝙖𝙮𝙤.”
Haddaba, xisbiga KULMIYE dhaqan uma aha beentuye halkan waxaanu ku soo bandhigaynaa caddaymaha martiqaadkii rasmiga ahaa ee xisbiga WADDANI loo fidiyey iyo aqbalaadoodiiba.
Sida ku cad, warqadda koowaad ee martiqaadka Rasmiga ah ee ku lifaaqan qoraalka oo tix-raaceedu yahay 𝐑𝐞𝐟:𝐗𝐗/𝐗𝐆/𝟎𝟎𝟒𝟐𝟏/𝟐𝟑𝟔/𝟐𝟎𝟐𝟒, kuna taariikhaysan 28/08/2024, waxay Xisbiga WADDANI gaadhay 𝟐𝟗/𝟎𝟖/𝟐𝟎𝟐𝟒, waxaan guddoomay warqadda isla Xoghayaha Guud ee WADDANI Mr. Khadar oo warqadda dhabarkeeda ku dhuftay shaabaddii xisbiga iyo saxeexiisii sida ku cad sawirka warqadda ee lifaaqan la socota.
Martiqaadkaa hore oo aan fulin darteed, ayaa mar kale Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Md. Maxamed Kaahin Axmed uu warqad labaad oo martiqaad ah u qoray xisbiyada oo tix-raaceedu ahaa 𝐑𝐞𝐟:𝐗𝐊/𝐗𝐆/𝟎𝟎𝟒𝟐𝟏/𝟐𝟒𝟎/𝟐𝟎𝟐𝟒, kuna taariikhaysnayd 𝟏𝟑/𝟎𝟗/𝟐𝟎𝟐𝟒, taas oo iyana uu guddoomay Agaasimaha Xarunta Dhexe ee Xisbiga WADDANI Mr. Siciid Xaashi Cali oo isna shaabadeeyey dhabarka warqadda sida ka muuqata sawirka lifaaqa hoose oo sidoo kale ay ku taal shaabaddii xisbiga UCID ee ay ku guddoomiyeen warqadda.
Soomaalidu waxay tidhaa, “𝙃𝙖𝙙𝙖𝙡 𝙞𝙣𝙩𝙪𝙪 𝙖𝙛𝙠𝙖𝙖𝙜𝙖 𝙠𝙪 𝙟𝙞𝙧𝙤 𝙖𝙮𝙪𝙪 𝙖𝙢𝙢𝙖𝙖𝙣𝙖𝙙𝙖𝙖 𝙮𝙖𝙝𝙖𝙮𝙚,” ninka warqadihii uu isagu saxeexa iyo shaabbad ku dhuftay beeninayaa maxaa kale oo aynu ka filaynaa? Dadnimada iyo shakhsiyadda noocaas ah ee ummadda maalin walba beenta sheegaysa ma lagu aamini karaa inay dal hoggaamiyaan?
Bulsho weynta Somaliland way kala taqaanaa, ninka saani ugu xiiraya iyo ninka u hool-hoolaya ee haddana indho sarcaadka iyo daaha dabadiisa doonaya inuu riwaayad ugu jilo. Reer Somaliland waa ka markhaati in Xisbiga WADDANI ay xarfaan ku yihiin beenta, kala qaybinta iyo u kala abtirinta bulshada Somaliland, oo miyaysan ahayn kuwii ku beerlaxawsanayay reer Kaamtuug inaan Dawlada Somaliland ee maanta ahayn dawladoodii oo ay Marti ku yihiin, miyaysan Waddani ahayn kuwii reer Gabiiley ku sheegay Garbahaarey. “Ma kaasaan roob ahayn, ma kaasaan rabaso helin.”
Ugu dambayn, ajandaha Xisbiga Waddani soo qadimay ee uu ku sheegayo in difaaca iyo Qarannimadu mudnaan u leedahay, afcaashii dhiirigelin lahayd kama muuqdaan ee malaha waxa wanaagsanaan lahayd inay xagga dambe marsadaan. “ilko dhiig leh bal maxaa lagu aaminayaa?”

Follow us On