Xisbiga Kulmiye oo Shuruud ku xidhay Liiska Murashaxiinta la soo xulayo Gobollada dalka

Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Kulmiye

 

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye, ayaa go’aan uu maanta soo saaray amar ku siiyey guddoomiyeyaasha Xisbiga ee Gobollada inay liiska murashaxiinta u tartamaysa Golaha Wakiillada ee ay soo gudbinayaan ay haweenku qayb ka noqdaan.

Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Kulmiye

Xisbigu waxa uu go’aamiyey inaanay guddoomiyeyaasha Xisbiga Gobollada ka qaban doonin Liiska Murashaxiinta u tartamaysa golaha Wakiillada haddii aan lagu soo darin ugu yaraan hal murashax oo haweenay ah.

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Md. Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) ayaa go’aankan ku soo saaray qoraal uu ku socodsiiyey guddoomiyeyaasha xisbiga KULMIYE ee gobollada dalka, kaas oo uu ku amray inay soo raaciyaan ugu yaraan hal haween ah liiska murrashaxiinta golaha wakiillada ee ay soo gudbinayaan.

“Dhammaan guddoomiyayaasha gobollada Jamhuuriyadda Somaliland, ee Xisbiga Kulmiye waxa la ogaysiinaya in ay ugu yaraan hal Haweena kusoo daraan liiska musharixiinta golaha wakiillada ee doorashada inagusoo fool leh.

Sidaa darteed waxa la ogaysiinaya in aan la aqbali doonin liiska musharixiinta ee soo gudbiseen oo ay ka maqan yihiin xubnaha haweenku,” sidaas ayuu u qornaa warka ka soo baxay Xarunta Dhexe ee Xisbiga Kulmiye.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net