Xisbiga Kulmiye oo Qaabilay Maayar Soltelco oo mar kale u sharraxan Golaha Deegaanka Hargeysa

 

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye, ayaa mar kale guddoomay in maayarka magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid noqdo murashax u taagan tartanka Golaha deegaanka ee Caasimadda.

Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Xisbiga Kulmiye, Madax iyo Mas’uuliyiin kale ayaa ka qayb galay Xaflad xisbigu u qabtay Maayarka Caasimadda Hargaysa Shaacinta inuu mar kale u tartamayo Golaha deegaanka ee Caasimadda Hargaysa.

Kulan ka dhacay hoolka shirarka ee xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE oo ay goob-joog ka ahaayeen qaar ka mid ah madaxda sarsare ee xisbiga, isla markaana ay qaybgaleen odayaal, waxgarad iyo taageerayaal kale oo wehelinayey murrshax Cabdiraxmaan Soltelco, ayaa lagu soo dhaweeyey murashaxnimadiisa, waxaanna halkaasi ka hadlay masuuliyiinta iyo dad kale oo kala duwan.

Madax-dhaqameedka iyo Wax-garadka beeshooda, ayaa halkaas ka shaaciyey inay go’aansadeen in Mudane C.raxmaan Maxamud Caydiid (Solteco) uu u Tartamo Golaha deegaanka Caasimadda Hargaysa halka Murashax Cali Xawaadle Madar u tartami doono Golaha Wakiiladda Somaliland.

Warkan oo faahfaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose