Xisbiga KULMIYE oo Ololihii ugu Cududda ballaadhneydnaa ku soo Gunaanaday meertadiisa Afraad

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Talladda haya ee Kulmiye ayaa maanta soo gebagebeeyey ololahiisii Doorashada iyadoo lagu jiro wareegii u dambeeyey ee ololaha xisbiyada iyo ururada siyaasadda eek u tartamaya doorashooyinka Golayaasha Deegaanka Somaliland, waxana taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ay manta isu soo baxyo ka dhigeen guud ahaan Gobolada iyo degmooyinka Dalka.

Magaalada Caasimadda ah ee Hargaysa taageerayaasha xisbiga Kulmiye ayaa soo buux dhaafiyey fagaaraha beerta xorriyadda halkaas oo ay khudbado kaga dhegaysteen mas’uuliyiin ay ka mid yihiin gudoomiye ku xigeenka koobaad ee xisbiga Kulmiye Md Maxamaed Kaahin Axmed, Marwada Madaxweynaha JSL Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde (Aamina Weris), wasiirada wasaaradaha arimaha Gudaha, Maaliyadda, kalluumaysiga iyo Waxbarashada.

Gudoomiye Xigeenka Koowaad ee Xisbiga Kulmiye Md. Maxamed Kaahin oo la hadlayey dadweynahii isugu soo baxay fagaaraha Beerta Xoriyadda ayaa sheegay in xisbiga Kulmiye diyaar u noqday ka qaybgalka doorashada iyo aqbalaadda natiijadeedadaba, isla markaana ururada iyo xisbiyada eedda la daba taagan kulmiye ay ogaadaan in waxa lagu tartamayaa ay yihiin Codka shacabka isla markaana loo baahan yahay in ay ku kalsoonaadaan.

Md. Maxamed kaahin waxa uu ugu baaqay taageerayaasha Xisbiga Kulmiye in sida ay manta u muujiyeen cududooda ay maalinta codbixintana isu muujiyaan una codeeyaan in isbedelkii dhacay hore loo sii wado, halka sidoo kalena uu Gud/xigeenka xisbigu ku adkaystay in xisbigu guulaysan doono.

Munaasabadaasi waxaa sidoo kale ka hadlay wasiirrada wasaaradaha Kalluumaysiga iyo waxbarashada oo ay wehelinayeen shan iyo labaatanka musharax ee xisbiga Kulmiye ugu taagan doorashada golaha deegaanka ee caasimadda oo dhamaadka bishan qabsoomi doonta.

Somalilandpost.net/Hargeysa