Xisbiga Kulmiye oo muddo laba Maalmood ah u qabtay Murashaxiinta uga sharraxan Doorashada Deegaanka iyo Wakiillada

 

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga talada dalka haya ee kulmiye ayaa muddo laba maal-mood ah u qabtay murashixiinta xisbigaas iska sharraxay in ay ku soo bixiyaan lacagta deebaajia ah oo ka mid ah shuruudaha looga baahan yahay.

Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiska xisbiga, ayaa murashixiintaas ku wargeliyay in ay muddo laba maalmood gudahood ah ku soo bixiyaan lacagtaas oo lagu shubayo wasaaradda maaliyadda.

Axmed Cabdi Dheere wuxuu murashixiinta ku adkeeyay in ay soo qaataan warqadda ay lacagtaas ku bixiyeen, taas oo lagu lifaaqi doono xogaha murashax kasta ee loo gudbinayo komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa shalay soo saaray warqad ay ku socodsiiyeey saddexda xisbi Qaran, taas oo lagu war-gelinayey wakhtiga kama-dambaysta ah ee Xisbiyada looga baahan yahay inay xarunta Komishanka ku soo xereeyey Liisaska Murashaxiinta iyo xogahaooda.

Guddiga Doorashooyinku waxa ay xisbiyada u sheegeen inay liisaska murashaxiinta soo gudbiyaan ugu dambayn 17-ka bishan March, iyagoo liisaska soo raacinaya xogaha murashaxiinta oo ay ku lifaaqan tahay waraaqda bixinta lacagta deebaajiga ah.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net