Xisbiga Kulmiye oo magacaabay Guddiyada Xulista iyo Maaraynta Khilaafaadka Murashaxiinta

Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Kulmiye

 

Hargeysa (SLpost)- Xisba KULMIYE ayaa maanta magacaabay guddiyo loogu talo-galay inay soo xulaan, soona diyaariyaan musharraxiinta xisbiga uga qayb-galaya tartanka doorashada Golaha Wakiillada iyo golayaasha degaannada dalka oo loo muddeeyey inay qabsoomaan 31-ka May, 2021-ka.

Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Kulmiye

Wareegto uu soo saaray Gudddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) maanta, waxa uu ku magacaabay saddex guddi oo laba ka mid ahi soo kala xulayaan murrashaxiinta xisbigu u qaadanayo tartanka doorashada ee gobollada dalka iyo guddi heer qaran ah oo ka shaqaynaysa xallinta wixii khilaaf ah ee ka soo noqon kara hawsha diyaarinta murashaxiinta.

Gobollada Togdheer, Sool iyo Sanaag, waxa loo magacaabay guddi ka kooban 14 xubnood oo uu Guddoomiye u yahay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Baashe Maxamed Faarax, halka gobollada Maroodi-jeex, Awdal iyo Saaxil loo magacaabay guddi ka kooban 15 xubnood oo uu hoggaamiye u yahay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska Md. Maxamuud Xasan Sacad (Saajin).

Waxa kaloo Guddi ka kooban 6 xubnood loo sameeyey maaraynta khilaafyada musharraxiinta xisbiga Kulmiye ee laga soo xulay gobollada dalka.

Wareegtada hogganka Xisbiga Kulmiye iyo Magacyada Guddiyada la magacaabay, kaga bogo qoraalka Hoose.