Xisbiga Kulmiye oo Khiyaamo Qaran ku eedeeyey Guddoomiyaha Xisbiga Waddani

Advertisement

Hargeysa (SLpost)- Afhayeenka xisbiga KULMIYE, Mudane Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, ayaa ka jawaabay dhaliilo uu guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan dhawaan u jeediyey Madaxweyne Muuse Biixi iyo Golihiisa Xukuumadda oo uu ku eedeeyey Sharci-jabin iyo musuq-maasuq.

Afhayeenka KULMIYE oo maanta saxaafadda kula hadlay xarunta guud ee xisbiga KULMIYE, ayaa Xirsi ku sifeeyey shaqsiyad caan ku ah gebi-dhaclaynta, fudaydka, qar iska-xoornimada iyo ceebaynta madaxda, waxaanu tusaale u soo qaatay waxa uu ku tilmaamay khiyaamooyin iyo ceebayn uu ku sameeyey madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo xilal kala duwan u magacaabay.

Afhayeenka xisbiga KULMIYE waxa uu si shaqsi ah u weeraray Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxaanu yidhi, “Xirsi waa ninkii ku faanay inqilab baan samaynayoo wuu iga fashilmay, intii is casishayna anigaa idhi is casila ee khiyaameeyey madaxweynihii hore, waa ninkii qoray buugga uu ka qoray madaxweyihii xariirta ahaa ee  ku tilmaamay qof aan dalka hawlihiisa waxba kala socon, buuggaas madow ee uu ka qoray madaxweyne Axmed-na yahay mid jiil ilaa jiil jiraya oo maanta taariikh qoran ah, waxana uu ku xigsiiyey inuu yidhaahdo guddoomiyaha golaha wakiillada anigaa iska leh, Arkiifiyadii qarankana uu gacanta kusoo qaatay, isaga oo uga jeeday inuu golihii maamulayo.”

Advertisement

Afhayeenku waxa uu gef iyo dambi qaranka laga galay ku tilmaamay eedaha Guddoomiye Xirsi ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi, “Haddaan ku aqaanno xirsiyow waxad tidhi madaxweynuhu waa jaanib, runtii waa erey afka ka weyn, waana dambi culus oo hay’adaha kala duwan ee qaranka aad ka gashay, mana aad qaddarin, mar haddaad tidhi dalka ajaanib baa xukuma,”ayuu yidhi afhayeen Buuni.

Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Faanka iyo indho adaygga waa lagugu yaqaannay, waxadse ku darsatay aflegaaddeda birimageydada qaranka, marka aad madaxweynaha qaranka ku sheegayso ajaanib, adigu ma muwaaddin baad noqonaysaa, mase waxay daarram tahay dooddaadu, aniga oo Xirsi ah oo kusoo koray KURTI-WAARREY oo  ciyaallo SABLAALE  ahaa, waxan Ahay muwaaddin Somaliland ah.”

Afhayeenku waxa uu wax laga xumaado iyo nasiib-darro ku tilmaamay inuu Xirsi isu beddelay difaaca koowaad ee Farmaajo oo ah cadowga dhabta ah ee qarankani leeyahay, isaga oo intaas raaciyey in xeerka Tamarta iyo korontadu uu yahay dhaqangal, madaxweynuhuna uu qalinka ku duugay, balse uu Xirsi arrintaas ka been abuurtay.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Advertisement