Xisbiga Kulmiye oo ka hadlay War lagu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiyaha Kulmiye Isku Khilaafeen Kulan ku Dhexmaray Madaxtooyada

Xasan-Siciid2Hargeysa (SLpost)- Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye, ayaa war-xumo tashiil iyo meel-ka-dhac ku tilmaamay warar ay baahisay saxaafadda qaarkeed, kaas oo lagu sheegay in kulan muran ka dhashay uu dhexmaray madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.

War-saxaafadeed caawa ka soo baxay xarunta Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, kuna saxeexan yahay Xoghayaha Guud ee Xisbigaas Xasan Siciid, ayaa lagu beeniyey jiritaanka warkaas oo lagu sifeeyey mid baalmarsan nidaamka warbaahineed oo bulshada lagu jaah-wareerinayo.

Waxa sidoo kale war-saxaafadeeda digniin loogu jeediyey warbaahinta dalka inay ka feejignaadaan tebinta wararka xaqiiqda ka fog. Waxaanu war-saxaafadeekani u qornaa sidan: “Waxa jiray war ku soo baxay warbaahinta dalka qaarkood, gaar Wargeyska YOOL, kaas oo ahaa mid meel ka dhac ku ah, isla markaana baalmarsan xeerka iyo nidaamka war-tabineed ee saxaafadda. Warkaas oo lagu sheegay in kulan muran ka dhashay uu dhexmaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi.

Xisbiga KULMIYE ugu horreyn waxa uu caddaynayaa in warkaasi yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn, mana jiro kulan noocaas ah oo Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha xisbiga dhexmaray.

Kulamada masuuliyiinta xisbiga iyo Madaxweynaha dalka dhexmaraana waa kuwo lagaga hadlo marwalba danta guud ee qaranka iyo ta xisbiga ee maaha kuwo lagaga hadlo mid shakhsi ah iyo mid gaar ah toona.

Xisbiga KULMIYE isagoo si adag u beeninaya warkaas xaqiiqada ka fog, isla markaana aan ahayn markii u horreysay ee ay tahay dacaayado raqiis ah oo ay ugu talogaleen warbaahinta qaarkeed inay bulshada ku jahawareeriyaan faafinta war aan jirin.

Sidaa darteed xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisu waxay uga digayaan warbaahintu inay ka waantoobaan war-xumo tashiilnimada. Waxa kale oo xisbiga KULMIYE bogaadinayaa warbaahinta inteeda kale ee dhawrtay anshaxa iyo shuruucda saxaafadda.”

Hadalka ka soo baxay Xoghayaha Guud ee Xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye, ayaa ku soo beegmaya xilli ay muddo kooban ka hadhsan tahay shirweynaha Xisbigaas oo lagu wado inuu badhtamaha bisha 12aad ee sannadkan ku qabsoomo magaalada Hargeysa, kaas oo lagu go’aamin doono, loolan adag ka dib, murashaxiinta madaxtooyada iyo  cidda hoggaanka u qaban-doonta xisbigaas.

SOMALILANDPOST.INFO

contact@somalilandpost.net