Xisbiga Kulmiye oo Faahfaahiyey Natiijada Kulan Dhexmaray Wefti ka socda Beesha Caalamka

 

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Talada dalka haya ee Kulmiye, ayaa ka hadlay kulan dhex-maray Wefti ka socda Beesha Caalamka ee Somaliland ka taageera nidaamka dimuquraadiyadda iyo doorashooyinka oo maanta dalka yimi.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ahna Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed oo caawa Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa ka warramay waxyaabaha ay ka wadahadleen weftigaas iyo halka ay ka taagan yihiin go’aankii guddiga dhex-dhexaadinta khilaafka Xisbiyada iyo Xukuumaddu soo saareen Isniintii todobaadkan.

Muuqaalkan Hoose waxaanu idinku soo gudbinaynaa Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Kulmiye ahna Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo ay garab-joogaan Masuuliyiin Kulmiye oo arrimahan ka hadlaya.