“Xisbi siyaasadeed ma sheegan karo inuu yahay wakiil u taagan isbeddel iyadoo…” – Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland ahna Guddoomiyaha xisbul-xaakimka KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in aan xisbi sheegan karin isbeddel iyadoo haldoorkiisu ahaayeen siyaasiyiin soo maray xisbiga Kulmiye.

Sidaasna waxa uu ku sheegay Wasiir Maxamed Kaahin qoraal uu caawa ku daabacay bartiisa X (Twitter)-ka, waxaanu yidhi,.

“Xisbi siyaasadeed ma sheegan karo inuu yahay wakiil u taagan isbeddel, iyadoo inta badan xubnaha hormuudka iyo jileyaasha u ahi ay yihiin xubnihii ka duday xisbul-xaakimka KULMIYE.”

Advertisement

“Arrinkoodu ma la odhan karaa waa is- dhaqid, is-biyo raacis iyo dib u soo noolaynta shaqaale cabban oo ka dhacay sallaanka talada wakhti xaadirkan,” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Maxamed Kaahin.

Follow us On