“Xilligaygii Waxa suurtogeli weyday in Soomaaliya la wareegto Maamulka Hawada” – Farxaan Aadan Haybe

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha hay’adda Shaqaalaha Dowladda Farxaan Aadan Haybe oo xilligii Xukuumaddii Madaxweyne Axmed Siilaanyo ahaa Wasiirka Duulista iyo Hawada, ayaa iska fogeeyey inuu wax ka ogaa ama saxeexay heshiis dhanka Somaliland ah oo ku saabsan qorshaha dowladda Soomaaliya kula wareegtay maamulka Hawada Sare.

Guddoomiye Farxaan Aadan Haybe oo maanta hortagay Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada oo wax ka weydiiyey xaaladda Shaqaalaha dowladda, waxa kale oo uu ka hadlay Waxa ka jira in shaqada laga caydhiyey qaar ka tirsan shaqaale weynaha Dowladda.  

Kulanka Dhexmaray Guddiga iyo Guddoomiyaha kaddib oo dhinacba si wada-jir ah saxaafadda ula hadleen, ayaa mar wax laga weydiiyey waxa uu ka ogaa qorshaha dowladda Soomaaliya kula wareegtay maamulka Hawada Sare, waxa uu ku jawaabay oo yidhi, “Aniga waxa xilligaygii suurto-gali weyday in dowladda Soomaaliya la soo wareegto xafiiska Nairobi oo ay u soo wareejiso Muqdisho. Laba jeer baanu shirnay, shirarna way iga horeeyeen. Shuruudaha aanu isku haysannay in si isku mid ah loo qaybsado nidaamka lagu maamulayo hawada oo laba xafiis laga sameeyo Hargeysa iyo Muqdisho. Taas waxa ka socday wada-hadal, waxaana sii amba-qaaday Maareeyaha hay’adda Duullimaadka. Anigu wax heshiis ah oo aan la galay Wasaaradda Gaadiidka ee Soomaaliya ma jirin”.

MUUQAALKA HOOSE KA DAAWO JAWAABAHA UU KA BIXIYEY SU’AALAHA LA WEYDIIYEY IYO NATIIJADA KULANKA DHEXMARAY GUDDIGA JOOGTADA AH EE GOLAHA WAKIILLADA.

Somalilandpost.net
somalilandpost@live.com