Xilliga uu Qabsoomayo Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani oo la shaaciyey

 

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa maanta shaaciyay xilliga la qabanayo shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga oo loo muddeeyey inuu qabsoomo dhammaadka bisha Dambe ee sannadkan.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani Cismaan Af-gaab Nuur oo warbaahinta la hadlay, ayaa xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga ku war-geliyey inay u diyaar-garoobaan qabsoomidda shirka Golaha Dhexe oo 30-ka bisha March 2021 ka furmi doona magaalada Hargeysa.

“Waxaa lagu wargelinayaa dhammaan xubnaha gollaha dhexe in shirkii gollaha dhexe la qabanayo 30 March 2021, waxaana lagu war gelinayaa dhammaan xubnaha Xisbiga in ay ilaaliyaan xilliga oo kasoo qayb galaan,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Af-gaab.