“Xilku Waa Meerto, Wanaag Baanan U Arkaa In La Ii Magacaabo Gobalka Sool” Ramaax

Hargeysa (SL.Post) Badhasaabkii hore ee Gobalkii Awdal Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax, oo hadda Madaxweynuhu u magacaabay Badhasaabka Gobalka Sool, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in loo magacaabo oo Guddoomiye looga dhigo Gobalka Sool, waxaanu tilmaamay inuu soo dhaweeynayo in Lixda Gobol ee Somaliland afar Gobol oo ka mid ah uu Badhasaab ka noqdo marka laga reebo Gobolada Maroodi-jeex iyo Togdheer.

 

IMG_C9A5E7-7F2CCC-E77F2F-B3ED9B-9F605C-2810641

 

 

 

 

 

 

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Sool Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax, oo khadka Telefoonka ugu waramaya Wargeyska Geeska Afrika isaga oo ku sugan dalka Hindiya ayaa isaga oo ka hadlaya dareenkiisa waxa uu yidhi “Xilku waa meerto, wanaag baanan u arkaa in la ii magacaabo Gobalka Sool, Madaxweynuhuna hadba halkii uu u arko in aan ku haboonahay oo uu ii gartana aad baan ugu faraxsan nahay, waxaana rajanayaa haddii ILLAAHAY yidhaahdo hawlahaas la ii magacaabay inuu ILLAAHAY igu guuleeyo, dalkuna waa isku mid, Goballadii hore ee aan joogay si fiican baan uga soo shaqeeyey, markii la’ iga bedelayna dadka ceeb la’aan baanu ku kala tagnay, Gobolkan Sool ee aan tagayaana waxaan rajaynayaa in dadkiisa wanaag wax aan ahayni noo dhaxayn oo wanaag iyo khayr badan kala kulmo, oo si wanaagsan u guto xilkii la ii igmaday”.

 

 

 

Ramaax ayaa mar uu ka hadlaayey Goballadii uu Badhasaabka ka soo noqday yidhi “Lixda Gobol ee waaweyn waxa ii dhiman oo qudha Burco oo ah magaaladaydii iyo Hargeysa oo ah Caasimaddii Somaliland, waxaana ILLAAHAY ka baryayaa inuu xilkaas ii fududeeyo, dadweynaha halkaas degana waxaan ka rajaynayaa in aan wanaag badan kala kulmo”

 

 

 

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Sool Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ayaa ka mid ahaa Xukuumaddii ugu horeeysay ee Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), waxa aana xilligaas uu u magacaabay Badhasaabka Gobalka Saaxil, laakiin dabayaaqadii bishii 12aad ee 2012kii ayaa xilkaas laga qaaday, iyadoo la sheegay in xil ka qaadistiisu sabab u ahayd muran ka dhashay doorashada duqa magaalada Berbera iyo guddoomiyaha golaha Deegaanka ee Magaalada Berbera  oo la doortay dabayaaqadii Sannadkii 2012. Mar kale ayaa horraantii bishii Shanaad ee 2014, ugu dambayntiina waxaa Mudane Ramaax loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Awdal, waxaana hadda loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Sool.

 

 

 

 

Somalilandpost.Hargeysa