Xildhibaanno kala taabacsan Daruurta Siyaasadeed ee Dul-hoganaysa Golaha Wakiillada oo Maanta Isku Fara-saaray Xarunta Golahaas

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaan Ibraahim Rayte iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (C/raxmaan Dheere) ayaa manta xarunta Golaha wakiiladda dhexdiisa Feedh iskala daalay, iyagoo isku haysta xurgufta siyaasadeed ee ka dhalatay isku shaandhayntii guddiyada golahaas oo aan wali loo maaro helin.

Dagaalka labada Xildhibaan ayaa salka ku haya Loolan adag oo golahaas ka taagan kaasoo saameeyey shirguddoonka Golahaasi iyo Xildhibaanada, waxaanay u egtahay in dagaalkoodu salka ku hayo kala jiidashada xilalka gudiyadda Golahaas oo midkoodna ka mid ahaa guddoomiyayaasha guddiyadii hore, halka ka kalena ka mid yahay guddoomiyayaasha cusub ee Cirro abuuray.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Caalin ayaa ahaa Guddoomiyihii hore ee guddidii Cadaaladda, halka Xildhibaan Rayte imika loo doortay guddoomiyaha Guddida Arrimaha gudaha, Nabadgelyada iyo Difaaca, waxaanay labadoodu la kala safan yihiin Guddoomiye Cirro oo Mucaarad ah iyo labada ku-xigeen oo Muxaafid ah.

LABADA XILDHIBAANIlo wareedyo u dhuun daloola Golaha Wakiiladda ayaa sheegaya labada Xildhibaan in ay isku af-dhaafeen khilaafka Golaha ka dhex taagan, waxaana la sheegayaa markii af-ku ka xumaaday in ay Feedh isku dal-daleen, kadibna ay kala dhex galeen Xildhibaano ay ka md ahaayeen Siciid Cilmi Rooble oo xiligan u muuqda inuu u sii jan-jeedho dhinaca Guddoomiye Cirro iyo Xisbigiisa Wadani, isagoo ku qanacsan guddiyadda cusub ee la doortay oo uu isagu ku waayey Guddoomiyanimada Xildhibaan Rayte hada haysto.

Xaalada ka dhex aloosan golahaasi ayaa maalinba maalinta ka danbaysa sii cakirmaysa, waxaana imika dabka ku sii shiday safarkii uu Guddoomiye Cirro iyo Madaxweyne Siilaanyo ugu baxeen xuska Maalinta Qawmiyadaha Itoobiya oo uu safarka siilaanyo ku wehelinayey Baashe Maxamed Faarax Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiiladda, kaasoo Cirro ku diiday in uu u sii raaco Jigjiga maadaama Marti-qaadka iyaga gaar loogu soo diray oo loo casuumay Baarlamaan ahaan.

Guddoomiye Cirro ayaa markii uu dalka ku soo laabtay sheegay in khilaafkooda laga hurinayo Madaxtooyadda, isagoo Nidar ku maray inay farta dhexda ka qaniini doonaan kooxda ka soo shiidaal qaadanaysa ee Golihiisa qasaysaa.

Dooda Cirro ayaa dhalisay in ay Madaxtooyaddu ka xanaaqdo weedhihiisa waxaana muuqata xiisadii golahaas oo la filayey in ay hoos u degtay in ay imika sii cakirmayso, isla markaana waxa laga dhur sugayaa soo guryo noqoshada Madaxweyne Siilaanyo iyo Cirro iyo waliba mudada ay xildhibaanadu ka soo noqonayaan fasaxa Kal-fadhigooda oo xaaladda wali xakamaynaya balse wax badan ay isla qarxi doonaan.

COURTESY: Waaheen.com