Xildhibaankii Labaad Oo Wasiir Warancade Ugu Baaqay Inuu Is Casilo, Madaxweynahana Kula Taliyay Inuu Talaabo Ka Qaado Wasaaradda Daakhiliga 

Hargeysa(SLpost)-Xildhibaan Ibraahim Jaamac Rayte, oo ka tirsan golaha wakiilada, ahna mudane mucaarad ah, ayaa wasiirka daakhiliga Cali Maxamed Warancade ugu baaqay inuu xilka iska casilo, isagoo madaxweynahana ugu baaqay inuu talaabo ka qaado wasaaradda daakhiliga oo uu sheegay inay ku fashilantay gudashada waajibaadkeeda.

Xildhibaan Rayte, oo shalay warbaahinta la hadlay, ayaa yidhi “Madaxweynaha waxaan u soo jeedin lahaa inuu talaabo qaado, waa waajibka madaxweynaha, Cali Warancade iyo nin kasta oo masuul ah waxa la gudboon xilka uu hayo marka uu galdalool ka muuqdo ee uu gudan waayo inuu isagu iskii isu casilo, haddiise ay dhici weydo, madaxweynaha ayay u taalaa inuu talaabo ka qaado, waanan u soo jeedinayaa madaxweynaha. Wasaaradda daakhiligu waxay runtii ku jirtaa xaalad aan ku filnayn ammaanka iyo nabadgelyada dalka.”

Xildhibaanka, ayaa soo jeediyay in guddi madaxbanaan loo saaro sababta ka dambaysay inay buuraha galaan dableydii dhawaan dishay taliyihii ciidanka Booliska Saaxil, “Waxa loo baahanayahay in guddi madaxbanaan loo saaro dilka ka dhacay Berbera, ma qabo anigu in inamadan dableyda ah ee meesha ku jiray ay meesha iskaga jireen oo ay iska ahaayeen shufto, waxaan qabaa cid baa ka dambaysay, cidda ka dambaysay waa in la helaa, sababaha ay halkaas ugu jireen waa in la helaa, cidda maalgelinaysay waa in la helaaa, taasna ma filayo inaan ku halayn karno wasaaradda daakhiliga iyo xukuumadda midna.” ayuu yidhi xildhibaanku.

Xildhibaan Rayte, ayaa noqonaya xildhibaankii labaad ee toddobaad gudihii wasiirka arrimaha gudaha ugu baaqa inuu is casilo. Xildhibaan Cabdillaahi Balaaki ayaa isaguna dhawaan wasiir Warancade kula taliyay inuu xilka iska casilo, isagoo u sibir saaraya dilalka dalka ka dhacaya, gaar ahaan kuwa ciidamada.