Xildhibaanada Muxaafidka Ah Oo la Filayo Inay Golaha Horkeenaan Mooshin Taageersan Kiraynta Haamaha Shidaalka

Hargeysa(SLpost)-Qaar kamid ah xildhibaanada Golaha wakiilada ayaa sheegay in sabtida la filaayo in golaha ay xildhibaanada taageersan dhanka xukuumadu horkeenaan mooshin taageeraya in la kirayn karo haamaha shidaalka ee muranku ka taagnaa.

Waxa ay xildhibaanadani ku doodeen inuu madaxweynuu ku saxna inuu soo celiyo go’aankii golaha oo ay ku tilmaameen mid lagu deg degay, ugu horayntii xildhibaan Waabeeyo oo arintan ka hadlaayay waxa uu yidhi “Waxa jirta arintii ku  saabsanayd mooshinkii haamaha in maalinta sabtida ah arimo haamaha ku saabsan oo xildhibaano u arkayey in lagu deg degay laalista mooshinka haamaha shiidaalka inay fikrado ka keenaan ama arimo kale ka hadlaan ama mooshin ka keenaan ayaa dhici karta laakiin ma jirto mid ku wajahan kursiga Cabdiraxmaan Ciro oo mooshin laga keenayaa arintaasna waxba kama jiraan, soo celintii madaxweynuhu waxay u taalaa xildhibaanada markaa ma jecli  inaan ka dag dago  laakin fadhiga sabtida ayey imanaysaa in lagaga arinsado waa marka laga hadlayo arinka haamah.”

Xildhibaan Ibraahin Cawaale Caynaan Ayaa isaguna waxa uu aragtidiisa ku cabiray“Mashruuca sharci qudhiisa ayaa ah go’aamo isku tagay  oo go’aan kasta goluhu aqlabiyad ku ansixiyey  isla markaana madaxweynuhu awood u leeyahay inuu qodob iyo laba iyo sadex go’aan gole ku baxay oo mashruuc sharci  ka mid ah inuu soo celiyo, go’aanka kale ee goonida u soconaya  sidaas si leeg ayuu madaxweynuhu u soo celin karaa. Waajibka sharciga ahi waxa weeyaan iyo sida dastuurku tilmaamayo in qodobada madaxweynuhu soo celiyo golaha la soo hor dhigo dabadeedna lagu celiyo sadex meelood laba(3/2), haddii lagu celiyana waa woodayada oo madaxweynuhu ma soo celin karo haddii aanu intaas wayno sida madaxweynaha ayaa sharci noqonaysa,mana ah in sharci kasta muran la galiyo oo la yidhaa kana waa go’aan gole kana waa mashruuc sharci  oo mashruuca sharci miyaanu ahayn go’aamo isku tagay oo goluhu leeyahay, qodobkan uu soo celiyey miyaanu go,aan sharci ahayn, muxuu kaga duwan yahay go,aanka  gooni u baxay iyo go,aanka sharci ku jira ee isagaba qodob qodob loogu codeeyey.”