Xildhibaanada Golaha Wakiillada Oo Mawqifyo Kala Fog Ka Qaba Heshiiska DP World

Hargeysa (SL.Post) Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa dood kulul maanta ka yeeshay heshiiska Dekeda Berbera ee ay dhawaan Xukuumaddu la soo gaashay shirkada DP World, waxaanay doodoodu ahayd mid ay ku kala aragti duwan yihiin, kuwaas oo qaarkood ay sheegeen in heshiiskani uu ka horimanayo Dastuurka Somaliland.

 

00000000000000000000000000000000000000000000000000000000001

 

 

 

 

 

“Heshiiskani wuxuu inoo keenayaa in aynu dalal badan oo Afrikaan ah xidhiidh la samayno, oo ay Carabtu ka mid tahay, waxay magaalada Berbera ka dhigi karaan magaalo camiran, waxaanu suurto gelinayaa 440 Milyan oo Dollar. Waxa inagu soo kordhaya oo ina horyaala oo la leeyahay 12 bilood guddahood ayaa Dekeda cusub lagu dhisayaa, waxaan qabaa inay noo saxeexeen oo inoo sharaxeen Wasiirradu in aanau ahayn heshiis oo uu yahay soo jeedin ay soo jeedinayaan.” ayuu yidhi Xildhibaan Obama

 

 
Xildhibaan Obama waxa uu intaas ku daray, “Shirkad iyo dawladd kastaa waxay jeceshay inay heshiiska golaha keenayaan in sirta ku duugaan uu golahaasi awood u lahaado oo uu qariyo oo ilaaliyo, dalkeenu, golaheenu oo waxaan qabaa in aynu isku canaano. Waxaan soo jeedinayaa mudane Guddoomiye (Guddoomiyaha Golaha Wakiillada) in sidaa la inoogu keeno aynu u ansixino.” ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi Obama

 

 

Xildhibaan Axmed Xasan Aadan (Weysa-cade) ayaa isaguna dhiniciisa ku dooday in heshiiskani ay Xukuumaddu horkeentay golaha aanu sharciyada waafaqsanayn, waxaanu yidhi “Waxa la qariyay qiimihii guud ee ay Dekedaanu istaahisho, meesha kuma yaalo oo wax la qaybsaday meesha kuma taalo, dhibcaha halkan ku qoran (heshiiska) shacbiga iyo Baarlamaanka ansixinayaa waa inay ogaadaan, waar ma dhibcahaas ayaad ansixinayasaan. Dhibcahaas Ninkii Ogol ILAAHAY baa kala xidhiidhaya.” ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Weysacade