Xildhibaan Wakiillada ka tirsan oo sheegtay Awood uu Ciidamo Shisheeye ku Keeni Karo Gudaha Somaliland

Advertisement

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaan Cabdiraxmaan Jaamac Xaamud oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Sheegay inuu Maxkamadda Heeg u gudbinayo Dacwad ka dhan ah Muran Dagaallo Sababay oo Muddo Ka Taagnaa Deegaanka SHIDAN ee Bariga Gobolka Sanaag.

Xildhibaanka oo Maanta Hargeysa kula hadlay Warbaahinta qaarkeed, Waxa uu sheegay inuu ka xun yahay in Dhalinyaro u dhashay Deegaankaas Shidan lagu dilay Halkaas maalmihii la soo dhaafay, waxaanu ka digay sii socoshada Muranka Deegaankaas oo u dhexeeya Beelo Ood-wadaag ah.

Deegaanka Shidan ee Bariga Gobolka Sanaag, ayaa ah deegaan qani ku ah Macdanta, waxaa tiraba dhowr jeer ka dhacay dagaal u dhexeeyo laba beelood oo ka soo kala jeeda deegaannada Woqooyiga Gobolka Sanaag iyo Bariga gobolka Badhan.

Advertisement

Muuqaalka Hoose kaga Bogo Hadalkan uu kaga dhawaajiyey xildhibaanka ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland

Odayaal ka tirsan beelaha dagaalku dhexmaray oo warbaahinta dhawaan la hadlay, ayaa cid kale oo aanay magacaabin ku eedeeyey inay dambayso dagaalka dhexmaray labada beelood oo tiraba dheer jeer kala dhex-galeen Ciidamada Qaranka ee Somaliland.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

 

Advertisement