Xildhibaan ku baaqay in la taageero Furista Urur siyaasadeed uu sheegay in Aqoonsiga Somaliland ku xidhan yahay

Advertisement

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaan Axmed Nuur Aw Cali Aadan oo ka tirsan mudenayaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa Xukuumadda ka codsaday inay ku taageerto furashada urur-siyaasadeed ay ku midan yihiin Beelaha daraftyada Somaliland.

Xildhibaanku waxa uu ku dooday inaanay qurux badnayn in furashada ururrada siyaasadda ay ku koobnaato cid gaar ah, isagoo ujeeddada hadalkiisu ku aroorto in madaxda xisbiyada ama ururada siyaasaddu ka soo jeedaan Beesha Dhexe, meeshana ay ka maqan yihiin Beelaha Darafyadu.

“Ictiraafka waxaad mooda in hadda xagga Somaliland loo soo jeedo, balse hawl badan oo  dalka gudihiisa ku xidhan ayaa dhiman, taasi oo ah in hore loo mariyo Dimuquraadiyada,” ayuu yidhi Xildhibaanka oo hadal ka jeediyey fadhigii maanta ee Golaha Guurtida.

Advertisement

Isagoo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Waxaan soo jeedin lahaa in dawladdu nagu taageerto urur USP ah, kaas oo wax badan ka taraya Ictiraafkeena, waa in waliba beesha dhexe ku taageerta in urur la furo oo aanu guddoomiye ka noqo, wax badana ayay ka taraysa ictiraafka, haddii beesha dhexe isku koobto guddoomiyayaasha waxa ay ragaadinaysa ictiraafkeena,” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Nuur Cali.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Advertisement