Hargeysa (SLpost)- Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe oo ka mid ah mudaneyaasha Xisbiga Kulmiye ugu jira Golaha Wakiillada Somaliland, isla markaana ah xubin firfircoon oo xisbigaas ka tirsan, ayaa shaaca ka qaaday inuu hiil iyo hooba la barbar-taagan yahay murashaxnimada madaxweyne ee Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.
Xildhibaan Kijaandhe oo ka mid ahaa Isbahaysi uu hoggaaminayo wasiirkii hore ee Maaliyadda oo siyaasad ahaan ay isku hayeen Guddoomiye Muuse Biixi, waxa uu caddeeyey inuu ka baxay garabkaas isla markaana uu taageeradiisa la barbar-istaagayo guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.
Xildhibaan Kijaandhe ayaa hore u caddeeyey inuu u taagan yahay murashaxnimada madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye, balse waxa uu sheegay inuu ka tanaasulay damaciisaas isla markaana uu taageerayo murashaxnimada Muuse Biixi.
HADDABA HOOS KA DAAWO HADALKA XILDHIBAAN
SOMALILANDPOST.NET
contact@somalilandpost.net