Xildhibaan ka Tirsan Gudida Ilaalinta Hantida Qaranka oo Sheegay In Aannay Wasaaraddaha Qaar Ka Hawl Galin Gobolada Dalka

Hargeysa(SLpost)-Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ka mid ah Xildhidhibaanada Golaha Wakiilada kana tirsan Guddida ilaalinta Hantida Qaranka iyo la dagaalanka musuqmaasuqa, ayaa sheegay inaanay qaar ka mid ah wasaaradaha dalku ka hawlgelin gobalada qaarkood.

 

Xildhibaan Naasir Cali Shire oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey ayaa hadalkiiisi ku bilaabay sidan “Haddii aanu nahay ilaalinta hantida qaranka ee Golaha Wakiilada, waxa aanu kormeer ku tagnay Sagaal Gobol oo ka tirsan Gobolada Somaliland kuwaas oo kala ah Awdal gaar ahaan Magaalo Madaxda Boorama, Gabiley gaar ahaan Magaalada Gabiley, Hawd gaar ahaan Magaalo madaxda Baligubadle, Saaxil gaar ahaan Magaalo madaxda Berbera,Daadmadheedh gaar ahaan Oodweyne, Togdheer gaar ahaan Burco, Sanaag gaar ahaan Ceerigaabo, Saraar gaar ahaan Caynaba,  Goboladaas iyo Magalooyinkaas aanu soo marnay waxa aanu si gaar ah ugu kuurgalaynay, una eegaynay hawlaha shaqo ee Isuduwayaasha Gobolada ee Wasaaraddaha kala duwan ee dalka, iyo sidoo kale Dawladdaha hoose ee Deegaanadaasi sida ay u shaqayaan, waxa aanu soo ogaanay inay jiraan Wasaaraado badan oo aan si fiican uga hawllgalin goboladaas, halka Wasaaraddaha qaarna aanay kaba hawl galin Gobolada qaar, waxa kale oo aanu aragnay in xitaa Gobolada qaar uu ka hawlgalo oo qudha Isuduwe, oo aanay jirin wax shaqaalo ahi,waxa kale oo aanu soo aragnay inay jiraan iyana Wasaarado si fiican u shaqaya, oo waajibaadkoodii qaran gutay, oo ka hawlgala Goboladaas. Dhanka kale waxa aanu iyana u kuurgalnay waxna ka soo ogaanay xaaladaha iyo sida ay u shaqeyaan Dawladaha hoose ee ka jira Goboladaas aanu soo marnay, waxa aanu soo ogaanay inay jiraan Maayaro badan iyo Xildhibaanada Golaha Deegaankooda oo khilaaf ka dhexeeyo, afka isku buuraya, oo qaarna Maayarada la xulafo yihiin qaarna banaanka ka joogaan, waxa aanu soo aragnay iyana Maayiro iyo Xildhibaano si fiican hawshooda shaqo u wada fulinaya, dhammaantoodana waanu la kulanay oo wareysiyo kala duwan ayaanu kala yeelanay hawlahooda shaqo iyo sida ay wax u qabtaan, waxa qudha oo isagu na diiday in aanu la kulano Maayarka Magaalada Burco, sabab alaale sabab uu noo diidayna ilaa hadda garan mayno, balse anagu mar walba waajibkayga na saaran waanu gudunaynaa, cid walba oo aanu wax ku tuhunana waanu soo bandhigaynaa, dhawaana waxa aanu shaaca ka qaadi doona warbixinihii kala duwanaa aanu ku soo aragnay Goboladaas iyo wax walba oo khaldanaa”.

 

Xildhibaan Naasir Cali Shire ayaa mar uu ka hadlaayey waajibaadka saaran Golayaasha Deegaanka, Wasaarraddaha iyo Golaha Wakiilada ayaa yidhi “In Wasaaradduhu maamul daadajin sameeyaan, oo ka wada hawlgalaan Gobolada dalka ayaa loo baahan yahay, sidoo kale Golayaasha Deegaanka ee dalka  iyo Golayaasha Wakiilada labadaba waa la soo doortay oo shacabka ayaa soo doortay, xidhiidh ayaa ka dhexeeya, in xidhoodhkoodu iyo hawlahooda shaqo ka wada shaqayaan ayaa wanaagsan, in Golayaasha Deegaanka iyo Maayiradooda khilaafku ka dhexeeyo ay soo afjaraan oo bulshada u wada shaqayaan oo waajibkooda iyo xilkii loo doortay gutaan ayaana ku talin lahaa”.

 

Xigasho: Geeska Afrika

Somalilandpost, Hargeisa Office