Xildhibaan Ka Mid Ah Baarlamaanka Soomaaliya Oo Booliska Gobolka Gabiley qabteen

Gabiley(slpost)-Ciidamada booliska Gobolka Gabiley ee  ayaa maanta qabtay xildhibaan ka tirsan baarlamanka Somaliya.
sida uu sheegay taliya ciidanka qaybta Gobolka Gabiley.

Taliyaha oo maanta u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC, waxa uu sheegay in  in ninkaasi uu 22-ka bishii hore ka soo degay Madaarka diyaaradaha Berbera isla-markaana ay maanta gacanta ku dhigeen ka dib markii ay ka war-heleen inuu si dhuumasho ah ku joogo Gabiley.

Waxa kale oo uu sheegay in ninkaasi ay u gudbiyeen Magaalada Hargeysa si baadhitaan loogu sameeyo ujeedada socdaalkiisa, maadaama oo uu si sharci daro ku soo galay Somaliland oo uu mabnuuc ka yahay inuu iska soo gallo qof xil ka haya Soomaaliya.

Somalilandpost
Hargaysa