Xildhibaan ka digay Cawaaqib-xumo ka dhalan karta Awoodo Madaxweyne ku-xigeeenku leeyahay oo Wasiirka madaxtooyadu la wareegay

“Waar haddii Dastuur laga xishoon waayey oo sharci laga xishoon waayey oo mabaadi’ laga xishoon waayey, ninku (Madaxweyne ku-xigeenka) reer buu ka soo jeedaaye, waxay ahayd in Reernimadiisa laga xishoodo.”

HARGEYSA (SLpost)- Xildhibaan Mahdi Xuseen Cadar (Mahdi-Gees) oo ka tirsan mudaneyaasha Golaha Wakiillada ee laga soo doortay gobolka Awdal, ayaa ka hadlay god-daloolooyin ku jira Odoroska Miisaaniyad-sannadeed 2015-ka oo uu ka soo qaatay awoodihii iyo kharashaadki madaxweyne ku-xigeenka ku lahaa miisaaniyadda oo laga dhimay, iyaga oo la hoos-geeyey wasaaradaha madaxtooyada.

xildhibaan MahdaXildhibnaan Mahdi Xuseen oo shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxa uu nasiib-darro ku tilmaamay in madaxweyne ku-xigeenku kharashaadka xafiiskiisa iyo miisaaniyadda uu qaranka ku leeyahay u daba-fadhiisto Wasaaradda Madaxtooyada, waxaanu mudaneyaasha golaha wakiillada uga digay inay ansixiyaan odoroska miisaaniyadda 2015-ka oo qaladaad badan oo uu sheegay ku jiraan.

Xildhibaanku waxa kale oo uu ka hadlay saami-qaybsiga mudaneyaasha Golaha Wakiillada ay ku leeyihiin Beelaha gobolka Awdal iyo guud ahaanba Somaliland oo uu soo jeediyey wax-ka-beddel lagu sameeyo, isaga oo shacabka reer Awdal ugu baaqay inaanay ka qayb-galin doorashada goleyaha Wakiillada ilaa isbeddel lagu sameeyo saami-qaybsigooda golaha Wakiillada.

Waxa kale oo uu xildhibaamu ka hadlay natiijo la’aanta ilaa wakhtigan ka taagan guddi madaxweyne Siilaanyo u saaray tabashooyin madax-dhaqameedka Awdal oo saluugsan saami-qaybsiga ay xukuumadda ku leeyihiin oo ay madaxweynaha ugu gudbiyaan kulan ku dhexmaray madaxtooyada, waxaanu Md Axmed Siilaanyo u soo jeediyey inuu si deg-deg ah uga jawaab uga bixiyo tabashada madax-dhaqameedka Awdal u gudbiyeen.

Xildhibaan oo shirkiisa jaraa’id kaga hadlay qodobbo dhowr ah, halkan ka daawo