Xildhibaan Jamaal Cismaan oo Baaq u Diray Culimada, Aqoonyahanka iyo Ganacsatada Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaan Jamaal Cismaan Cabdilaahi oo ka tirsan Golaha Deegaanka ee Hargeysa, ayaa baaq u diray Culimada, Aqoonyahanka, Ganacsatada iyo Dhalinyarada Dalka.

Xildhibaanka oo hadal ka jeediyey munaasibad loo qabtay arday dhammeysatay barashada Qur’aanka Kariimka ah, waxa uu Aqoonyahannka, Culimada, Ganacsatada iyo Dhalinyarada Dalka oo ku tilmaamay kuwa ugu mudan ee dhismaha qaranimadu ku tiirsan tahay ugu baaqay inay meel uga soo wada-jeestaan difaaca qaranimada Somaliland.

Waxa Xildhibaanku Culimada, Aqoonyahanka, Ganacsatada iyo Dhalinyarada u tilmaamay masuuliyadda ka saaran ilaalinta qaranimada oo aanay ku halleynin oo kaliya Siyaasiga xilka haya.

“Waxa looga baahan yahay inay dhufayska ka soo baxaan oo aanay Qaranka ku hallaynin siyaasiga ama qof magac leh, waayo dowladnimadu waa iskaashi,” sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Jamaal Cismaan Cabdilaahi oo ah mudane ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa.

Muuqaalka Hoose kaga Bogo Hadalka xildhibaanka

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net