Xildhibaan Iid Xasan oo shaaciyey inuu u hoggaansamay heshiis lagu soo Af-jaray Khilaafkii Golaha Deegaanka Gabiley

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaan Iid Xasan Cabdi Oo Kamid ah golaha deegaanka Gabiley, kana mid ahaa xildhibaanadii xukuumadu xidhay balse lagu soo daayay waan waan ay galeen Gudi uu hormuud ka yahay  wasiirka Isgaadhsiinta iyo Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble iyo xildhibaan cabdilaahi black iyo Suldaan Ismaaciil kuwaasi oo isku xil saaray xalinka khilaafka golaha deegaanka Gabiley.

Dhawaan ayay gudidani shaacisay in ay soo afjareen khilaafkii golaha Deegaanka gabiley, iyadoo wakhtigaas  ay  ka maqnaayeen 5 xildhibaan.

 

Xildhibaan Iid xasan cabdi oo maanta shir jaraa,id ku qabtay magaalada hargaysa  kuna hadlayay afka xildhibaanadii ka maqnaa shaacinta heshiiska golaha deegaanka gabiley ayaa maanta shaaciyay in uu taageersan yahay heshiiskii lagu xaliyay khilaafka golaha uuna ku qancay gudida dhexdhexaadinaysay go,aankaa ay qaateen.

 

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKA