Xildhibaan Gavin Williamson oo Tallaabo Taariikhi ah ku tilmaamay Heshiiska Dhexmaray Somaliland iyo Ethiopia, Baaqna u Diray Dowladda UK

London (SLpost)- Xildhibaan Gavin Williamson oo ka tirsan Baarlamaanka dalka UK, ayaa soo dhaweeyey heshiiska is-faham ee ay shalay kala saxeexdeen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Ra’iisal-wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed.

Xildhibaan Williamson oo ka mid ah Shaqsiyaadka ugu saamaynta badan siyaasadda Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, waxa uu heshiiska labada dowladood ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah oo muhiimad weyn ugu fadhida madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Xildhibaanku wuxuu dowladdiisa UK ugu baaqay inay qaaddo kuna dhiirrato tallaabada Dowladda Ethiopia isla markaana hormuud ugu noqoto sidii ay Qaramada Midoobay laba waddan oo kala madax-bannaan ugu aqoonsan lahayd Somaliland iyo Somalia.

“Sida aad badankiinu ogtihiin, waxa aan muddo dheer danaynayey horumarka iyo barwaaqada Somaliland. Waxa aan si hagar la’aan ah ugu ololeeyey in aan arko Somaliland oo si rasmi ah loogu aqoonsaday waddan u madax-bannaan sida immika yahay.

“Waxaan si weyn u soo dhawaynayaa tallaabada taariikhiga ah iyo istiraatijiyadeed ee Itoobiya ay ku noqotay dalkii ugu horreeyay Afrika ee Somaliland u aqoonsada waddan madax-bannaan. Waxaan doonayaa in aan arko UK oo qaadda tallaabo go’aan qaadasho leh oo ku Qasbaysa Qaramada Midoobay inay go’aan ka gaadho arrimaha la xidhiidha Somaliland iyo Soomaaliya,” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Williamson oo qoraal uu arrimahan kaga hadlayo ku faafiyey ciwaannadiisa baraha bulshada.

Xildhibaanka oo ka hadlayey tallaabooyinka xilligan la gudboon Dowladda Ingiriiska, waxa uu yidhi, “UK waa inuu hormuud ka noqdaa abuurista qaab-dhismeedka aqoonsiga Somaliland lagu gaadhsiinayo adduunka. Waxaynu u baahannahay in aynu aragno waxqabad iyo hoggaamin degdeg ah oo ka timaadda Raysal-wasaaraha UK Rishi Sunak, Xoghayaha Arrimaha Dibedda Lord Cameron iyo Xafiiska Arrimaha Dibedda, Barwaaqo-sooranka iyo Horumarinta si loo xaqiijiyo Qaranimada Somaliland”.

MP Gavin Williamson oo ka mid ah saaxiibbada Somaliland, waxa uu sheegay inaanay Somaliland Dowladda Ingiriiska ka helin waxtarkii ay ka mudnayd, balse xilligan la gaadhay “wakhtigii aynu si geesinnimo iyo go’aan leh uga hawl-gali lahayn”.

“Aynu hormood ka noqono arrimaha caalamka oo aynu gacan ka gaysanno sidii ay Somaliland madax-banaanideeda uga midho dhalin lahayd,” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Gavin Williamson.

Madaxweynaha Somaliland iyo wefti uu hoggaaminayo oo Socdaal ku shaqo ku jooga dalka Ethiopia, ayaa shalay heshiis is-afgarad la saxeexday Ra’iisal-wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed.

Heshiiska ayaa dalka Ethiopia u oggolaanaya inay hesho saldhig ay ka hawl-galaan Ciidamadeeda Badda, waxaanay taas beddelkeeda Somaliland helaysaa inay Ethiopia noqoto dalkii ugu horreeyey ee waddan madax-bannaan u aqoonsada Jamhuuriyadda Somaliland, sida uu sheegay madaxweyne Muuse Biixi oo faahfaahin ka bixiyey heshiiska dhexmaray Ra’iisal-wasaaraha Ethiopia.