Xildhibaan Dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, kana tirsanaa baarlamaanka Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho

Muqdisho (SLpost)- Kooxo hubaysan oo aan haybtooda la aqoonsan, ayaa fiidnnimadii caawa toogasho ku dilay xildhibaan ka tirsan Golaha Baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, gaar ahaan gobolka Selal.

 

Xildhibaanka oo lagu magacaabo Cismaan Cilmi Boqorre, ayaa la sheegay in lagu dilay meel u dhow gurihiisa oo ku yaala degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, sida aanu ka soo xigannay warbaahinta magaalada Muqdisho.

xildhibaanka la dilay Cismaan Cilmi Boqorre

Wararku waxa ay intaas ku dareen in Dableyda weerarka fulisay oo watay gaadhi, kuna hubaysnaa Baaskoolado, ay isla markiiba ka baxsadeen goobta dilku ka dhacay.

 

Marxuum Cismaan Cilmi ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa Xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh, waxaanu Baarlamaanka Soomaaliya ku soo jiray ilaa wakhtigii dowladii Cabdilaahi Yuusuf ee lagu soo dhisay magaalada Nairobi.

 

Marxuum Cismaan Cilmi oo lagu tilmaamay inuu ahaa mudanaha ugu da’da weyn Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa hore u soo qabtay xilka guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Dowladdii ku-meel-gaadhka ahayd ee dalkaas.

 

Waxaanu marxuumka ka tirsanaa Xildhibaannada ugu jira Golaha Baarlamaanka saami-qaybsiga magac-u-yaalka ah ee baarlamaanka Soomaaliya looga qoondeeyey Wixii laysku odhan jiray Gobollada Woqooyi ee dalweynihii Burburay ee Jamhuuriyadda Somalia ka hor intii aanay Jamhuuriyadda Somaliland dib ula soo noqon Madax-bannaanideeda.