Xildhibaan Cusub oo loo dhaariyey Xubinimada Golaha Wakiillada Somaliland

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta, dhaariyay Axmed Cali Warsame, oo ka mid noqon doona golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland.

War ka soo baxay maxkamada sare ee Somaliland ayaa lagu sheegay in Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland garyaqaan Aadan Xaaj Cali Axmed, ayaa maanta dhaariyay mudane Axmed Cali Warsame, oo ka mid noqonaya xildhibaanada golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland.

Xildhibaan Axmed Cali Warsame ayaa buuxiyay jago ka banaanaatay golaha wakiillada, kaddib markii uu maalintii shalay is-casilaaddiisa golaha gudbiyey xildhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari) oo madaxweynaha Somaliland dhawaan u magacaabay Guddoomiyaha Hay’adda Caymiska.

Xildhibaan Bukhaari ayaa ka mid ahaa mudanayaashii xisbiga UCID ee laga soo doortay gobolka Sanaag, waxa beddelkiisa soo xulay komishanka doorashooyinka qaranka oo tixraacaya qodobka 78, faqradiisa 2-aad ee xeerka doorashada golaha wakiilada JSL Xeer Lr. 91/2020 oo sheegaysa nidaamka loo buuxinayo jagada ka banaanaata golaha wakiilada, kaas oo loo xulay mudane Axmed Cali Warsame oo ahaa kaydka saddexaad ee xisbiga UCID in uu buuxiyo jagadaasi.

Warku waxa uu intaas ku daray in Komishanka Doorashooyinka Qaranka uu Maxkamadda Sare ee dalka JSL u gudbiyay 19-kii bishan codsi ay ku dalbanayaan in loo dhaariyo mudane Axmed Cali Warsame jagada ka banaanaatay golaha Wakiilada.

Dhaarinta ka dib guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadan Xaaji Cali, waxa uu kula dardaarmay xildhibaanka in uu qaranka ugu adeego si daacad ah, waxaanu ALLE uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo igmaday.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net