Xildhibaan Cartan oo Cabashada Garabka Isbahaysiga Musharixiinta Kulmiye Ku Sababeeyay Kalsooni Daro ay ka Qabaan Codka ay Helayaan

 

Hargaysa (SLpost):- Xildhibaan C/raxmaan Yuusuf Cartan oo ka mid ah mudaneyaasha golaha Wakiiladda Somaliland ayaa si adag u naqdiyay xubihii wasiiradda ahaa ee iska casilay xukuumadda, kuwaasi oo uu ku tilmaamay in ay doonayeen in dhaawac gaadhsiiyaan xukuumadda isla markaana aanay u tudhin qaranimadda.

C/raxmaan Yuusuf Cartan, waxa uu sheegay in is casilaadii wasiirradaasi aanu dareemin qaranku, isla markaana madaxweyne Siilaanyo uu markiiba si deg-deg ah u buuxiyay jagooyinkii ay baneeyeen xubnahaasi. Xildhibaan Cartan oo u waramay Wargeyska Dawladda ee DAWAN, isagoo ka hadlayay sida uu u arko is casilaadii wasiirradaasi waxa uu yidhi“Iscasilaadda wasiirradu arrin meesha qabata may ahayn. Sababtu waxa weeyi waxay ahaayeen niman masuuliyiin ah, waxaanay doonayeen in ay dhaawac gaadhsiiyaan, Umayna tudhin dawladnimadii. Markay sidaa wax u dhaceena madaxweynuhu wuu hadlay, waxaanau sheegay in dadku badan yahay oo ay jiraan dad badan oo kaalintaa buuxinaya, tiina wuu ku talaabsaday, si deg-deg ahna wuu u buuxiyay xilalkii ay iska casileen wasiiradaasi, waana arrintii laga filayay oo muujinaysa in qaranku aanu u dhutiyayn koox iyo qof.”

Xildhibaanku Waxa kale oo uu sheegay in wasiirrada cusub ee uu magacaabay madaxweyne Axmed Siilaanyo ay ku jiraan rag aad u qiimo badan, kuwaasi oo uu ku tilmaamay in ay si fiican uga soo bixi doonaan hawlaha qaranka. “Rag qiime leh ayuu madaxweynuhu magacaabay oo xilalka ka soo baxaya. Waxaanan rejaynayaa in si fiican ay u shaqayn doonaan, waanay wanaagsan tahay in dadka siyaasadda madaxweynaha ku shaqaynaya la magacaabo, oo aannay noqon dawlad dawlad dul saaran. Manay wanaagsanayn wasiirro xukuumadda ku wada jira, oo mid ba qof u olalaynayo” ayuu yidhi xildhibaan Cartan.

 

Dhinaca kale, xildhibaan Cartan waxa uu ku eedeeyay guddoomiye ku xigeenka 2aad iyo guddoomiye ku xigeenka 3aad ee xisbiga Kulmiye in ay doonayaan in ay qas iyo khal-khal ka dhex abuuraan shirka golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye. Kuwaasi oo uu ku tilmaamay in aannay xal kale helin oo ay ka wel-welsan yihiin in aanay tiro ku filan ka haysan golaha dhexe ee Kulmiye, sidaas darteedna ay qorshaynayaan sidii shirka golaha dhexe buuq uga dhex samayn lahaayeen. Waxaanu yidhi “Qaabkan ay u hadlayaan garabkan is casilay iyo labada guddoomiye ku xigeen ee Wabeeye iyo Tayanle, waxaad moodaa inay doonayaan in ay fawdo ka abuuraan shirka, oo aanay xal helin oo ay ka wel-welsan yihiin in aanay tiro ku filan ka haysan golaha dhexe ee Kulmiye. Waxaanay taasi ku tusaysaa in qoladaasi aanay doonayn in ay si habsimi ah uga qayb galaan shirka golaha dhexe ee Kulmiye. Waxaanay noqonaysaa in u jeedo kale ay leeyihiin.”

 

 

Somalilandpost, Hargeysa Office

Source-Dawan