Xiisaha Qisada Lammaaneyaal Afar Gobol Ka soo Jeeda oo Iska Kaashaday Kharashka Arooska iyo Hoygooda

Burco (SLpost)- Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, waxa dhawaan ku qabsoomay xaflad aroos aad u xiiso galisay dadkii ka qayb-galay, soona jiidatay dhegaha Shacabka magaalada, taas oo kulmisay lammaaneyaal ku midoobay laba Qoys oo si farxad ah oo ay isaga raalli yihiin ugu wada nool Hal Guri oo ay kaga gaashaanteen kharashka Kirada.

Labada Qoys oo ka kooban Afar ruux oo dhalasho deegaan ahaan ka soo kala jeeda Afar Gobol oo ku kala yaalla gudaha Somaliland, waa marka laga yimaaddo inay isku habeen isla goob kuwada qabsadeen xafladdooda arooska isla markaana ay wadaagaan Hal Guri oo ay kiraysteen, waxa kale oo ay wadaagaan oo cajiib ah in labada wiil oo saaxiib dhow ahi ay isku mar uwada geed-fadhiisteen labada hablood oo iyaguna muddo sannado ah saaxiib dhow isku ahaa.

Laba wiil oo muddo badan saaxiib ahaaisla markaana shaqo-wadaag ah, waxa ay muddo sannado ah wada-degganaayeen hal guri, halka sidoo kale labada habloodna muddo sannado ah kuwada noolaayeen hal guri, taasina waa sababta ku dhiirri-gelisay inay si wada-jir ah oo rafiiqnimadooda gundhig u ah uwada yagleelaan Qoysaskooda, sida ay ku sheegeen warbixin uu ka diyaariyey telefishanka BC24tv oo ku booqday hoygooda.

Labada Wiil ee Saaxiibka ah, ayaa dhalasho ahaan ka soo kala jeeda Gobollada Gabiley iyo Sool, halka labada habloodna ka soo kala jeedaan gobollada Togdheer iyo Sanaag.

Muuqaalka Hoose kaga Bogo Warbixin Xiiso leh oo laga diyaariyey lamaaneyaashan Mustaqbalkooda u hibeeyey Qiimaha ay ugu fadhido Rafiiqnimadoodu.

Somalilandpost.net
somalilandpost@live.com