Xiisad Ka Taagan Gacanka Kuuriya iyo Hogaamiyaha Dalkaas Oo Milatarigiisa Amray Isticmaalka Nukliyeerka Dalkaasi Ku Hanjabo

Kuuriyda-waqooyi(Slpost)-Hoggaamiyaha woqooyiga Kuuriya Kim Jong Un, ayaa ku amray milatariga dalkiisa in uu isku diyaariyo adeegsiga hubka niyuukleerka xilli kastaa oo loo baahdo.

Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee dalkaasi Kim Jong Un ayaa sheegay in milatariga dalkaasi ay tahay in ay isku diyaariyaan in ay sodoo kale qaadaan weerar is difaacid ah.

Hanjabaadda Kim Jong-un ayaa ku soo beegmayso xilli xiisaadda ay ka aloosan tahay gacanka Kuuriya kaddib markii bishii janaayo ee sanadkan uu dalka woqooyiga Kuuriya tijaabiyay hubekiisa Niyuukleerka, Qaramada Midoobeyna ay taa uga jawaabtay xayiraad ay dalkaasi ku soo rogtay usbuucan.

Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka dalkaasi, Kim Jong-un oo kormeerayay gantaalada dalkaasi ayaa sheegay in milatariga ay tahay in uu xoojiyo hubkiisa niyuukleerka tayo iyo tiro ahaanba, ayna heegan geliyaan madaxyada niyuukleerka si ay weerar is difaacid ah u qaadi garaan.

Hanjabaadda noocaasi ah ma ahan mid ku cusub dhagaha caalamka balse khubarada ayaa shaki weyn ka qaba in woqooyiga Kuuriya ay leedahay awood ay ku sameysato madaxyo qaadi kara hubkaasi inkastoo ay leedahay hammi noocaasi ah.