Xidhiidhka Cusub ee Somaliland iyo Kenya oo lagu tilmaamay Jidka Aqoonsiga

 

Hargeysa (SLpost)- Xidhiidh dhinaca ganacsiga iyo dibloomaasiyadda ah oo dhawaan u furmay Somaliland iyo Kenya, ayaa lagu tilmaamay jidkii horseedka u noqon lahaa aqoonsi caalami ah oo JSL ka hesho beesha Caalamka.

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa booqasho rasmi ah ku tagay dalka Kenya December 2020 kaddib markii uu marti-qaad ka helay Madaxweyne Uhurru Kenyatta, waxanay labada madaxweyne kala kala saxeexdeen heshiis ka kooban dhowr qodob oo sii xoojinta xidhiidhka dibloomasiyadda iyo ganacsigu ugu weyn yihiin, waxaana heshiiskaas lagu xusay in dhammaadka bishan March ay Kenya xafiis dibloomasiyadeed ka furanayso Hargeysa iyo duullimaadyo diyaaradda Kenya Airways ka bilaabayso garoonka diyaaradaha ee Egal International Airport ee magaalada Hargeysa.

Advertisement

Warbixin lagu daabacay warbaahinta East African Business Week, ayaa lagu sheegay in xidhiidhka cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Kenya ay keenayso natiijooyin la taaban karo oo ku wajahan waddadii ay Somaliland u mari lahayd aqoonsi caalami ah. Iyada oo ay dhawdahay xilligii ay dawladda Kenya safaaraddeeda ka furan lahayd dalka Somaliland.

EABW ayaa warbixintiisa ku sheegay in Jamhuuriyada Somaliland ay qaaday jidkii nabada, dowlad-wanaaga, dimuqraadiyada, doorashooyinka iyo isku wareejinta hoggaanka dalka si xasilooni ah oo nabdoon. Iyada oo dhinaca kalena sheegtay in Jamhuuriyadda Somaliland ay tixgelinayso wakhtigab saamaynta Kenya ee Midowga Afrika, isla markaana ay xoojinayso xidhiidhka Kenya, kaas oo Somaliland u horseedaya riixitaanka aayo-ka-tashigooda.

Warkan ay ay baahisay East African Business Week waxa lagu sheegay in sannadkii 2020-ka ee la soo dhaafay uu ahaa mid ay Somaliland ku tallaabsatay guulo waaweyn oo siyaasadeed iyo mid dublamaasiyadeed, isla markaana kiiska qadiyadda madax-bannaanideedu uu helay goleyaal caalami ah oo kala duwan oo ay ku soo bandhigi karto afkaarteeda iyo xaqa ay u leedahay in ay noqoto dal madax-banaan oo ka mid ah dalalka beesha caalamka.

Warbaahinta East African Business Week waxa ay soo xigatay qaybo ka mid ah khudbad sannadeedkii madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ka jeediyay goleyaasha Baarlamaanka, taas oo madaxweynuhu ku soo qaatay xidhiidhka u dhexeeya Kenya iyo Somaliland, waxaana warbixinta lagu xusay in siyaasadda arrimaha dibada Somaliland ku dhisantahay deris wanaag, nabad iyo iskaashi caalami ah.

“Waad aragteen oo akhrisateen war-murtiyeedkii wadajirka ahaa ee ka soo baxay kulankii labada dawladood ee Somaliland iyo Kenya. Safarkaasi wuxuu ka mid ahaa safaradii aan ku soo maray Afrika oo dhan, wada-hadaladii aan sannadkii hore la yeelanay waxa ka soo baxay natiijooyin la taaban karo oo ah qadiyada Somaliland inay tahay arrin caalami ah oo aan la dafiri karin.” Sidaas ayuu EABW ka soo xigtay madaxweynaha.

Waxa kale oo madaxweynuhu yidhi, “Soddon sanno ayaanu raadineynay aqoonsi. Waxaa nalagula dardaarmay in aqoonsiga Somaliland uu yahay qaddiyad Afrikaan ah oo ay tahay in loo maro Midowga Afrika.

Iyadoo taa laga duulayo, Xukuumadda Somaliland waxay xidhiidh la sameysay dowladaha xubnaha ka ah Midowga Afrika. Natiijadu waxay tahay in ay qadiyadda Somaliland taageeraan iyada oo illaa hadda ay qaar badani aqbaleen.”

Warbixintan East African Business Week News ayaa lagu soo gabagabeeyay, “Bishii December ee sannadkii la soo dhaafay, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi wuxuu booqday dalka Kenya, waxaanu wada-hadal la yeeshay Madaxweyne Uhuru Kenyatta, halkaas oo ay ku heshiiyeen labada madaxweyne in xafiiska xidhiidhka ee ay Somaliland ku leedahay Nairobi laga dhigo Qunsuliyad, isla markaana la furo Qunsuliyada Kenya ee Hargeysa dhamaadka bisha March ee sannadkan 2021.

Labada madaxweyne waxa kale oo ay isla garteen in duulimaad toos ah laga bilaabo Nayroobi oo la geeyo caasimadda Somaliland ee Hargeysa. isla markaana la iska kaashado dhinacyada horumarintaa waxbarashada, caafimaadka iyo beeraha.” Sidaasa yaa lagu sheegay warbixinta EABW.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

Follow us On