Xeerka Booliska Somaliland oo Ansixintiisu Dib uga Dhacday Kalfadhiga 21aad ee Golaha Wakiillada oo maanta la soo Gunaanaday

golaha-wakiiladaHargeysa (SLpost)- Golaha Wakiillada Somaliland oo u ballan-sanaa inay ansixiyaan Xeerka Booliska maanta oo ay soo gebo-gabaynayeen Kal-fadhigooda 21aad, ayaa mudaneyaasha golahaas isla qaateen  in Dib loo dhigo Xeerka Booliska oo intii lagu gudo-jiray fadhiyada golaha ay xildhibaannadu si weyn uga doodeen.

Fadhigan oo uu Shir Gudoominayay Gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Md Cabduiraxmaan Maxamed C/laahi ayaa qaar ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiiladu ay dood ka keeneen dhamaystirka Xeerka Booliska oo ay Tilmaameen inay Qabyo ka Muuqato,Isla markaana loo baahan yahay in Kalfadhiga danbe Goluhu sii ambo qaado ansixintiisa.

Xildhibaanadii fikirkooda ka dhiibtay Fadhiga Golaha ayaa Sheegay in Xeerkan ay ka Maqan yihiin waxyaabo badan oo la rabo inuu ka jawaabo kana Mid yihiin inaanay ku Qornayn waxa lagu xulanayo marka la qaadanayo saraakiisha ciidanka, cilmiga looga baahan yahay.

Markaas kadib waxa uu Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu  ka dalbaday Mudanayaasha inay kala doortaan laba ra’yi oo kala ahaa in Xeerka Maanta loo Codeeyo iyo in dib loogu dhigo Kalfadhigan dhamaaday ka ku Xiga.
Iyadoo ay Xildhibaandu isku raaceen in Xeerkan Meel marintiisa dib loogu riixo Kalfadhigooda 22aad si Xeerkan loo mariyo Akhriskii Sadexaad.

Gunaanadkii Fadhigaas ayaa Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu uu Sheegay in Goluhu galay fasax ay Mudadiisu dhan tahay 45 maalmood ah, sidaasna uu ku dhamaaday fadhigii maanta iyo waliba kalfadhigii 21aad ee Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET