Xeerar lagu Ansixiyey iyo kuwo lagu Falan-qeeyey Shirka Golaha Wasiirrada Somaliland

 

Hargeysa (SLpost)- Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Somaliland, ayaa maanta lagu ansixiyey Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah oo wax-ka-beddel iyo Kaabis lagu sameeyey, kuwaas oo goluhu kaga dooday fadhiyo uu hore u yeeshay.

Fadhigii 52aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta lagaga dooday xeerar cusub, iyada oo sidoo kalena lagu ansixiyey xeer in muddo ah ay goluhu ka doodayeen, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada.

Warku waxa uu intaas ku daray in  fadhiga maanta ee Golaha lagu ansixiyey wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameeyey xeerka Shaqaalaha Rayidka ah X/No 31/2004 oo ay goluhu dooddiisu kusoo jireen, iyada oo wasiirka hawlaha guud, dhulka iyo guryeynta Jamhuuriyadda Somaliland warbixin lagaga dhegaystay.

Waxa sidoo kale dood iyo falanqayn dheer uu goluhu ka yeeshay laba xeer oo kala ah:
Xeerka Ilaalinta xuquuqda carruurta iyo Xeerka maalgashiga, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kooban oo ka soo baxay xafiiska Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland.

Somalilandpost.net