Xeer Golaha Wakiillada Horyaala Oo La Sheegay Inuu Liddi Ku Yahay Dastuurka Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa si qoto-dheer u qaadaa-dhigay qodobbada uu ka kooban yahay Xeerka Shirkadaha Caymiska oo xilligan horyaalla isla markaana ay ka doodayaan Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland.

Xildhibaanka Oo Dooddiisa kaga dhiibtay fadhigii shalay ee Golaha Wakiillada oo Xeerku horyaallo, waxa uu sheegay inuu xeerkani yahay Bambo lagu soo dhex-tuuray Golaha isla markaana meel-ka-dhac ku ah sumcadda iyo masuuliyaddii loo igmaday mudaneyaasha Golaha Wakiillada, maadaama oo aanu xeerku ahayn mid dhammeystiran oo qeexaya waajibaadka iyo masuuliyadda shirkadaha Caymiska iyo xuquuqda ay leeyihiin dadka shacabka ah ee Xoolahooda iyo nafahooda la Cayminayo.

Waxa uu xildhibaanku fashiliyey boogaha sharci ee ku dhex-qarsoon xeerka Shirkadaha Caymiska oo uu ku tilmaamay inuu u adeegayo cid gaar ah isla markaana dhaqaale loogu abuurayo shaqsiyaad damacsan inay si fudud u taajiraan.