Xatooyada iyo Lumista Telefoonnada SMARTPHONES oo laga reystay

New York (SLpost)- Xatooyada iyo lumitaanka Telefoonnada loo yaqaano Smartphones-ka oo lagu iibsado Lacago adag, ayaa dhibaatooyin ku hayn jiray dadka iibsada, haseyeeshee waxa immika fursad loo siiyey dadka macaamiisha ah inay xannibi karaan telefoonada laga xado ama ka luma, iyaga oo isticmaalaya farsamo casri ah oo shirkadaha sameeyey barnaamijyada ay ku shaqeeyaan Mobile-llada Smartphones-ka ah.

Adeeggan ayaa qofka dhibbanaha ah u saamaxaysa inuu gebi ahaanba xannibo isticmaalka telefonkiisa oo aan qiimo ah u yeelan doonin qofka xada ama hela Mobile-ka hallaabay, iyada oo qofku isticmaalayo khadka Internetka oo laga xidhi karo.

SMATPHONESTirada dhacdooyinka xatooyada ah ee Moobillada iPhones loo yaqaano ee ay samayso shirkadda APPLE, ayaa kala badh hoos u dhacay 12-kii bilood ee u dambeeyey, kaddib markii ay shirkaddu soo kordhisay barnaamij cusub, kaas oo dadka macaamiisha ah u oggolaanaya inay gebi ahaanba bakhtiiyaan (Demiyaan) telefoonkooda iyaga oo khadka Internetka isticmaalaya, taas oo ka dhigaysa wax aan qiime ugu fadhiyin qofka xaday telefoonkaaga.

Shirkadaha Apple, Samsung iyo Google, ayaa dhammaantood ku soo kordhisay telefoonnada adeeggan cusub. Halka shirkadda Microsoft ay ballan-qaadday inay dhammaadka sannadkan soo saarayso adeeggan cusub.

Telefoonnada iPhones, waxa addeeggan ama barnaamijkan (App) loo yaqaanaa ACTIVATION LOCK, kaas oo shirkaddu soo kordhisay bishii September ee sannadkii 2013-kii.

Barnaamijka ay samaysay shirkadda Google ee Android oo ay ku shaqeeyaan inta badan Telefoonnada Smartphones-ka ahi ku shaqeeyaan sida Samsung oo kale, ayaa isna loo yaqaanaa Lillipop, in kasta oo aanu adeeggani wada-gaadhin isla markaana aan lagu cusboonaysiin (Update) telefoonada isticmaala Barnaamikja Android ee shirkadda Google.

Adeeggan cusub oo dadku soo dhaweeyeen, ayaa lagu heli karaa iyada oo la Update-gareeyo barnaamijka telefonku ku shaqeeya, gaar ahaan Android, in kasta oo shirkadda Apple ay iyadu soo raacisay telefoonadeedii u dambeeyey ee soo baxay wixii ka dambeeyey markii ay samaysay adeeggan bishii September ee sannadkii 2013-kii.

XIGASHO: Madadaalo.com