Xatooyada Casriga ah oo Ku Soo Badanaysa Hargeysa iyo Muuqaal laga Duubay Tuug dhacay Meherad iyo Qof Macmiil ah

Meheraddan uu dhex taagan yahay ayuu ku dhacay Dad kale isagoo isticmaalaya magaca meheradda. Wuxuu leeyahay Page Facebook ah oo lagu faafiyo dhar iyo kabo la iibinayo. Qofkii la soo xidhiidhay ayuu u sheegtay magaca meheradda.

Waxa la yaab leh inuu meheraddan soo galay ayuu kabo ka baayacayaa dabadeed Qof online kula xidhidhay oo ay heshiiyeen ayuu u sheegayaa account-ka ku Iibsada meheradda, isagoo u sheegay inuu goobtiisa ugu geynayo Alaabta uu iibsaday qofka dhibbannaha ah.

Markii lacagtii lagu soo diray Lambarkii ku iibsada ahaa, wuxuu meheradii ka iibsadamayaa kabo 10, lacagtii baaqiga ahaydna wuxuu qaadanayaa.

Waa farsamo xatooyo ah oo muddooyinkii u dambeeyey ku soo badanaysay Hargeysa iyo Suuqa Casriga ah ee sida Online-ka ah wax loogu kala iibsado.

Dhacdooyinka noocan ahi waxa dhibbane u ah Meheradda Magaceeda la isticmaalay iyo qofka sida been-abuurka ah wax looga iibiyey.
Farriinta halkan ku jirtaa waxa weeyi inay ganacsatada iyo Shacabkuba ka feejignaadaan khiyaamooyinka noocan ah.