Xasan Xanafi oo Ku Guuldaraystay Inuu Dilkii Lagu Xukumay Ka Qaato Racfaan

Muqdisho(Slpost)-Maxkamadda sare ee ciidamada ee Soomaaliya ayaa tuurtay racfaan uu horkeenay Xasan Xanafi Xaaji oo horay loogu xukumay xukun dil ah.

Xasan Xanafi Xaaji waxaa loo haystay in uu ku lug lahaa dilal horey loogu gaystay weriyayaal dhawra iyo in uu ka tirsanaa ururka Al-Shabaab.

Daawo:-Wariye Xasan Xanafi oo U Qaabilsanaa Al-shabaab Khaarajinta Wariyayaasha Soomaalida Oo Dil Lagu Xukumay

Maxkamadda sare ee ciidmada ayaa xukunkan gaartay kadib markii Xanafi racfaan horey uga soo qaatay xukun kan oo kale ah oo sedexdii bishan ay ku riday maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada.

Gudoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada Liibaan Cali Yaroow ayaa sheegay in maxkamaddu ku raacday xukunkii sedexdii bishan ay ku riday eedeysane Xasan Xanafi maxkamadda darajada koowaad kaas oo ahaa dil toogasho ah.